Madxaxweynaha Soomaaliya oo safar ku tegaya dalka Maraykanka

Published on 13 January 2013 at 15:40

president Hassan Sheikh Mohamud
Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xassan Sh Maxamud ayaa lagu wadaa inuu safarkiisii ugu horeeyay ku gaaro dalka Maraykanka.

Inkastoo Madaxweynaha Soomaaliya uu safaro ku tagay wadamo dibada ah iyo qeybo kamid ah gobalada koonfurta Soomaaliya, hadana waxaa jira goobo muhiim ah oo kamid ah dalka Soomaaliya oo uusan weli booqan oo ay kamid yihiin gobalada Dhexe, Puntland iyo Kismaayo, oo ah gobolo ay ka taliyaan maamulo qeyb ka ah Federaalka Soomaaliya.

Waxaa safarkaan Madaxweynaha ku wehlin doona Raisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arimaha dibadda Fowziyo Yusuf Xaaji Aadan iyo la taliya-yaasha Madaxweynaha.

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu kulamo la qaadan doonaa madax sar-sare ee ka tirsan dowladda Maraykanka. Kulamaadaas ayuu wafdiga Madaxweynaha uga hadli doonaa sidii loo taageeri lahaa dowlada Soomaaliya. Booqashadan ayaa lagu tilmaamay mid lagu xoojinayo xiriirka Soomaliya iyo Maraykanka.

Bilihii ugu danbeeyay ayuu Madaxweynaha DFS safaro ku tagay dalalka Geeska Afrika, lana saxiixday heshiisyo laba dhinac ah. Heshiisyadaas oo ku aadan dhanka amniga iyo horumarka.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu yiri:

Si loo hubiyo, horumarka la gaaray. Dibna aan loogu noqon bur-bur Madaweynaha wuxuu diiradda saaray in la adkeeyo xiriirka Soomaaliya ay la’leedahay beesha caalamka, si looga gudbo caqabadaha hortaagan amniga iyo horumarka ka jira Soomaaliya.

Safarkaan ayuu Madaxweynaha kala hadli doonaa dowladda Maraykanka amniga iyo horumarka oo 1 ka ah lixda Tiir Siyaasadeed ee Madaxweynaha. Sidoo kalena wuxuu la kulmi doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Maraykanka.

Safarkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey oo uu Madaxweynaha Dowlada Federaalka ku tago dalka Maraykanka tan iyo intii xilka loo doortay.

qawmedia.com

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

amiirka juboyinka
13 years ago

miiskin waxuu kumeralaysanay qabyaladii somali rogtay 20sano dulista maraykan uu u ordayana waxu ka hiinasay kulanki dheexmaray madaxwaynaha puntland iyo wafti kasocda dowlada maraykanka kkkkkkk intee socooonaysa nacaaybka qabaa ilaysan intee shatii laysu gashada jiiraya yayaqaan

Create Your Own Website With JouwWeb