Faransiiska oo ka hadlay weerarkii ay ku qaadeen Buulo Mareer, Soomaaliya

Published on 12 January 2013 at 20:33

Faransiiska oo ka hadlay weerarkii ay ku qaadeen Buulo Mareer, Soomaaliya

Si kastaba ha ahaatee Weerarkan ayaa u muuqda mid fashilmey mar haddii la diley qofkii la doonayey in la soo badbaadiyo isla amrkaana ciidamo kale ay ku dhintaan weerarakaas.

Denis Allex oo ka mid ah sirdoonka ciidanka Faransiiska oo afduub loogu haystey Soomaaliya tan iyo sanadkii 2009, ayaa ku dhintey hawglka la doonayey in ciidamada Faransiisku ku soo furtaan askerigaa qafaalka looga haystey, sidaas waxaa yiri war ka soo baxay Gaashaandhiga dalka Faransiiska.

Warka ka soo baxay Gaashaandhiga Faransiiska ayaa lagu sheegay in Denis Allex ay dileen kuwii haystey ee ahaa Argagixisada.

Laba kamid ah Ciidanka Faransiiska ee hawlgalka fuliyey iyo 17 al-Shabaab ah ayaa dagaalkaas ku dhintey, sida lagu yiri warsaxaafdeedka ka soo baxay Gaashaandhiga Faransiiska.

Warka ka soo baxay Gaashaandhiga Faransiiska ayaa lagu sheegay in hawlgalkaani ahaa mid qorsheysan isla markaana lagu soo deynayey Denis Allex oo kooxda argagixisada ah ee haysta ay diideen wax wada hadal ah muddo saddex sano ah.

Wasaaradda Gaashaandhiga Faransiiska oo maanta weerar ku qaatey kooxda Islaamiyiinta ee Waqooyiga  Mali kana qabsadey magaalo ay horey uga qabsadeen Dawladda Mali ayaa sheegtey in labada weerar wax xiriir ah aysan lahayn, kooxaha Islaamiyiinta ee Mali ayaa ka taliya Waqooyiga Mali waxaana ay u soo jeesteen in ay qabsadaan Caasimadda dalkaas.

Al-Shabaab ayaa dhankooda sheegaya in Denis Allex uu weli nool yahay war saxafaadeed ay maanta soo saareen, isla markaanan u ku sugan yahay meel ka baxsan goobta dagaalka ka dhacay, waxayna Al Shabaab warkeeda ku sheegtay in labo maalmood kadib ay shacabka Faransiiska usoo bandhigi donaan go’aanka Al Shabaab ee ku aadan mustaqbalka Dennis Allex.

Warar kale oo dadka degan Buulo Mareer saxaafadda u sheegeen ayaa sheegaya in dadka dhintey ay ka mid ahaayeen 4 qof oo rayid ah.

qawmedia.com

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.

Create Your Own Website With JouwWeb