Fiqiga Beesha reer Xirsi (Cumar Maxamuud) oo si rasmi ah loo caleema saarey (Sawiro)

Published on 12 January 2013 at 20:39

Fiqiga Beesha reer Xirsi (Cumar Maxamuud) oo si rasmi ah loo caleema saarey (Sawiro)

Xafladii Caleema saarka Fiqiga oo si heer sare ah loo soo agaasimay kana dhacday Xarunta shirarka Fiqi Xirsi ee Jeedalow Bacaadweyn ayaa waxaa ka soo qaybgalay Isimada Gobolka Mudug oo uu hogaaminayo Islaan Bashiir Islaan Cabdulle, Nabadoonada, Odayaasha, Waxgaradka, Culima’udiinka Aqoonyahanka, Ganacsatada, Dhalinyarada iyo Hooyooyinka Beelaha gobolka Mudug.

FIQI Bashiir Cabdulle Cusmaan ayaa si rasmi ah loogu caleema saaray Fiqiga Beesha Xirsi Faarax Shirwac.

F.G. Beeshu waxay go’aanstay in ay dhexdhexaad ka ahaato arrimaha Dowlada Puntland, waxayna ku talinaysaa in la dhowro midnimada iyo jiritaanka Puntland, waxkasta oo jirana lagu dhameeyo wada hadal.

Waxaa kaloo iyaguna Xafladan Caleemasaarka ka soo qaybgalay Wafuud ka socotay Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed oo ka qaybgalka shirkan loo soo wakiishay waxaana ka mid ahaa Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame, Wasiir ku xigeenka Arrimaha gudaha ee dawlada Puntland mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh, Wasiiru-dawlaha Maamul wanaaga Puntland mudane Maxamed Faarax Ciise Gaashaan, Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Cayaaraha ee dawlada puntland mudane Cabdiwali Xirsi Cabdulle (Indha-guran), Wasiiru-dawlaha Amniga Madextooyada Puntland mudane C/qani Yuusuf Cilmi, Wasiir ku xigeenka Deegaanka mudane Burhaan Cilmi Filig, Wasiir ku xigeenka maaliyadda Puntland C/raxmaan Maxamuud Xaaji Xasan, Wasiir ku xigeenka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland C/qani Geelle Maxamed iyo Wasiir Bashiir Maxamuud, Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta qoyska dawlada Puntland Marwo Xaliimo Xasan Cismaan, guddoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey, Duqa degmada Gaalkacyo Siciid Cabdi Faarax, guddoomiyaha Bacaadweyn Siciid Maxamed Jamac iyo xubno kaloo farabadan oo ay ku jiraan masuuliyiin horay xilal kala duwan uga soo qabatay dawlada Puntland.

Waxaa madasha horay ugu sugnaa 150 Xubnood oo Ergo ah iyo ilaa 500 oo xunood oo ka qaybgalayaasha shirkii socday ah, waxaana intaasi dheeraa dad dhawr boqol oo kale gaaraya oo ka tirsan beesha Fiqi Xirsi oo ka qaybgalka xafladan uga kala yimid Gobollada dalka Soomaaliya oo dhan iyo wadamada dibada, guud ahaana bulshadii faraha badnayd ee xafladan caleemasaarka ka soo qaybgashay waxay qiyaas ahaan gaarayeen 2500 ilaa 3000 oo qof oo ka kooban qaybaha bulshada iyo dawlada.

Intii ay socotay Xafladan caleemasaarka waxaa ka hadlay Waxgarad farabadan oo ay ugu horeeyaan Salaadiinta, Garaadada, Cuqaasha, Nabadoonada, Samadoonada, iyo Hogaamiyaasha dhaqankja Soomaaliyeed ee gobolka Mudug oo aad u bogaadiyay shirweynahan Beesha iyuo Natiijada ka soo baxday ee ay ugu horayso Doorashada iyo Caleemasaarka Fiqiga Beesha Xirsi Faarax, Waxayna ilaah uga baryeen in uu u fududeeyo Masuuliyada ay umadu u dhiibatay iyo xilka weyn ee uu qaaday.

Hogaanka dhaqanka ee Shirkan ka hadlay waxay sidoo kale Fiqiga u muujiyeen niyad wanaag iyo soo dhaweyn la xiriira ku soo biirida hogaanka dhaqanka Soomaaliyeed, waxayna tuseen Masuuliyada balaaran ee uu dhabarka u ritay iyo gudashada Waajibaadka saran ee laga dhawrayo.
Halkaan ka dhagayso qaar ka mid ah hadaladii Madexdhaqameedka:-

Dhinaca Wafdiga dawlada puntland ay u soo wakiilatay ka qaybgalka xafladan Caleema-saarka FIQI Bashiir Cabdulle Cusmaan ka hadlay guddoomiyaha gobolka Mudug mudane Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey iyo Wasiiru-dawlaha maamul wanaaga dawlada Puntland mudane Maxamed faarax ciise Gaashaan waxayna aad ugu dheeraadeen qiimaha dhaqan iyo umadeed ee Masuuliyadani ay leedahay.

Masuuliyiintani waxay si niyad samaan ah farxadina ay ku dheehan tahay u so dhaweeyeen iyagoo afka dawlada ku hadalaya Shirweynaha beesha ee soo gabagaboobay qodobadii ka soo baxay iyo Caleemasaarka Fiqiga Beesha reer Xirsi faarax ay dooratay.

Intii ay xafladani socotay waxaa madasha laga soo jeediyay Baayaankii shirweynaha Beesha ka soo baxay iyadoo la dul maray qodobo muhim ah oo ka qaybgalayaasha shirka iyo ergada shirka ee Beeshu ay isla jaangooyeen.

Sidoo kale waxaa madasha laga akhriyay taariikh nololeedkii Fiqiga oo si qumaati ah uga waramayay Aqoonta diimeed iyo mida maadiga ah ee Fiqiga, khibrada shaqo ee uu leeyahay iyo Indheergaradnimadiisa la xiriira Soomaalida iyo dhaqankeeda Suuban.

Xafladan Caleemasaarka Fiqiga waxaa sidoo kale laga akhriyay Kalmadii FIQI Bashiir Cabdulle Cusmaan Fiqiga Beesha Xirsi Faarax Shirwac uu xafladan ugu talagalay oo uu u wakiishay C/risaaq Sanweyne oo ka mid ahaa Shir gudoonka.

Fiqigu wuxuu khudbadiisan aad ugu muujiyay sida ay uga go’antahay horumarinta iyo isku soo dumida umadda, midaynta iyo wax wadaqabsiga umadda, la shaqaynta iyo qiimaynta hogaanka dhaqanka ee beelaha gobolka Mudug iyo midka guud ee beelweynta Cumar Maxamuud.

Fiqigu wuxuu kaloo khudbadiisan ku muujiyay hanaanka wanaagsan ee uu damacsan yahay iyo kaalinta uu ka qaadan doono hagaajinta mustaqbalka Umada ee dhaqan dhaqaale.
Qodobada uu aadka diirada ugu saaray khudbada fiqiga waxaa ka mid ah Nabadaynta, kobcinta ilaha dhaqaalaha ee bulshada, kor u qaadida adeegyada arrimaha bulshada la xiriira, nabadaynta deegaanka iyo arrimo kaloo muhim ah.

Intaasi kadib waxaa hadalka lagu soo dhaweeyay Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax oo Shirka soo xiray khdubad dhinacyo badan taabanaysana ka jeediyay.

Islaanku wuxuu muujiyay Niyad samaan iyo taageero la xiriira hogaankan cusub ee beeshu yeelatay, wuxuuna kula dardaarmay in uu sida loogu sharfay xilkan umada wax ugu qabto masuuliyadii loo dhiibtayna uu uga soo baxo.

Islaanku wuxuu FIQI Bashiir Cabdulle Cusmaan ugu duceeyay masuuliyadan uu qaaday, wuxuuna dhamaan qaybaha bulshada gaar ahaan Beesha reer Xirsi faarax ugu baaqay in ay adeecaan hogaankan ay samaysteen islamarkaana ay sida ugu wanaagsan ula shaqeeyaan.

Islaan Bashiir Islaan Cabdulle wuxuu muujiyay xurmada dhaqanku leeyahay iyo sida wanaagsan ee ay u hogaamiyaan umada, wuxuuna carabaabay in ay la shaqaynayaan ka isimo ahaan hogaankan cusub soona dhawaynayaan.

Intaasi kadib waxaa si rasmi ah loo caleema saaray FIQI Bashiir Cabdulle Cusmaan hogaanka dhaqanka ee Beesha Xirsi Faarax Shirwac oo iyadoo lagu sharfayo la saaray Koofiyadii iyo Cumaamadii mansabka qaaliga ah ee hogaanka dhaqanka Soomaaliyeed.

Xafladan Caleemasaarka FIQI Bashiir Cabdulle Cusmaan Fiqiga Beesha Xirsi Faarax Shirwac waxaa lagu soo xiray shirweynihii Beeshan oo mudo 22 maalmood ah ka socday Madasha shirarka Fiqi Xirsi ee Jeedalow Bacaadweyn kana furmay 20-12-2012 iyadoo 23-kii 12-2012  uu si rasmi ah u furmay markii uu daah furay Islaan Bashiir Islaan Cabdulle islamarkaana looga hadalayay mudadaasi arrimo farabadan oo Muhiim u ah Beesha Reer Xirsi iyo dhamaan Beelaha la wadaaga Dhalashada, Deegaanka iyo Diintaba.
Halkaan hoose ka akhriso Bayaankii beeshu ay ka soo saartay gabagabdii Shirka:-

Bayaanka Shirwaynaha Beesha Fiqi-Xirsi

Salaan iyo Bogaadin

- Islaan Bashiir Islaan Cabdulle
- Dhamaan Isimada sharafta badan ee fadhiya madasha
- Wasiirada Dowlada Puntland,
- Godoomiyha Gobolka Mudug, iyo Maamulka Degmaada
- Nabadoonada, Samadoonada, Culuma,u diinka, Aqoonyahanada iyo Gabdheheena Sharafta leh iyo Bahda Warbaahinta ee ka soo qaybgalay Caleema saarka FIQI Dr. Bashiir Cabdulle Cusmaan, Dhamaantiin Salaamu calaykum Wr. Wb.

Mahadcelin.

Waxaan u mahadcelinayaa dhamaan dadka Maamuuska iyo Sharafta leh oo ka soo qaybgalay xafladaan quruxda badan, dadkaan oo ka kala socda qaybaha Bulshada, Isimada, Dowlada, Nabadoonada, Aqoonyahanada, dhalinyarada, samadoonada, Culuma,udiinka, gabdhaha, iyo Warbaahinta. Mudanayaal iyo Marwooyin, waxaam dhamaan idiinkaga mahadcelinayaa aniga oo ku hadalaya Afka idil ahaan dadka Beesha Reer Xirsi rag iyo dumarba kasoo qayb galkiina ay ka muuqato Farxad iyo Dareen Tolnimo oo qurux badan, Caleema Saarka FIQI Dr. Bashiir Cabdulle Cusmaan. Aad iyo Aad baad u mahadsantihiin walaalyaal.

Walaalayaal sida aad dhamaantiin la wada socotaan waxaa shir uga socday Beesha Reer Xirsi Madasha Jeedalow oo aan maanta fadhino, shirkaan oo u furmay 23-12-2012 oo si rasmi ah u furmay markii uu daah furay Islaan Bashiir Islaan Cabdulle, shirkaas socday muddo dhan 20 bari, maantana aynu wada fadhino gunaanadkiisii iyo gabagabadiisii.

Mudanayaal iyo Marwooyin shirkaas intuu socday waxaa diirada lagu saaray arrimo Muhiim u ah Beesha Reer Xirsi iyo dhamaan Beelaha la wadaaga Dhalasho, Deegaan iyo Diinba oo madashaan wada fadhiya maanta.

Waxyaalaha uu shirku si gaar ah afka ugu hayay waxaa ka mid ah

  1. Ku dhaqanka Shareecada Islaamka oo aan ku dhalanay kuna dhaqano
  2. Xoojinta iyo ka shaqaynta Arrimaha Nabadgalyada deegamada ay Beeshu wax degto iyo Guud ahaan Puntland
  3. Xoojinta iyo Tayaynta Arrimaha dhaqanka Beesha Reer Xirsi
  4. Kor u qaadida dhamaan Arrimaha Bulshada sida waxbarashada kala duwan oo dhan, Caafimaadka, Biyaha iyo Ilaalinta Deegaanka
  5. Abuurida iyo Taaba galinta ilo dhaqaale iyo Maalgashi Gudaha dalka ah oo leh Mustaqbal dhow iyo Mustaqbal dheerba si loo helo faa,iido dhaqaale iyo shaqo abuur looga boxo shaqo la,aanta baahsan.
  6. Beeshu waxay shirkaan diirada ku saartay dabar goynta iyo la dagaalanka dhamaan dhaqan xumada dhalinyarada sida burcadbadeednimoda, maandooriyaha, isbaarooyinka waxaana talo loogu gorfeeyay in la dhaqan celiyo, korna loo qaado garaadkooda waxbarasho iyo maskaxeed.

Waxaa kale oo shirka lagu lafa guray in dhalinyarada da,yarta ah oo dibada ku dhalatay oo aan dhaqanka Soomaalida aqoon dib dalka loogu soo cesho si ay ugu barbaaraan dhaqankooda iyo Diintooda.

Waxaa kale oo Madasha Shirka indhaha lagu saaray Midnimada iyo wadajirka Beesha Cumar Maxamuud inuu Muqadas yahay, Beeshana uu Xil ka saaranyahay inay ilaaliso kana shaqayso wax kasta oo Horumar iyo midnimo u horseedaya , Waxayna Beeshu ku baaqaysaa in dhamaan khilaafaadka jira la xaliyo, lana hirgasho shirka uu ka shaqaynayo guddiga qaban qaabada Shirwaynaha Cumar Maxamuud.

Waxaa si dheer looga dooday in beelaha kale ee aynu wadaagno, dhalasho, deegaan, darisnimo ay guud ahaan Beesha Cumar Maxamuud kula dhaqanto Tolnimo iyo Daris wanaag, gaar ahaan Beesha Reer Xirsi Farax waxay isku waajibisay inay si gaar ah ugula dhaqanto dhalasho iyo darisnimo sidii horayba loogu yiqiin.

Mudanayaal iyo Marwooyin

haddba si dhamaan qodobadii shirku ku hamiyay ama lagu qaadaa dhigay mudaddii uu shirku ka socday Madasha shirarka FIQI Xirsi ee Jeedalow Bacaadwayn si ay u miro dhalaan oo u noqdaan qodobo dhaxal gal ah oo ay beeshu ku gaarto danaheeda adduun iyo aakhiroba leh, waxay odayaasha oo ahaa Marjaca Shirka iyo Ergada Shirwaynaha iyo ka qaybqaatayaal oo dhamaan rag iyo dumarba leh oo dhamaa 500 qof meel mariyeen Ajendaha Shirka waxayna isku raaceen ama go,aansadeen qodobada hoos ku xusan:

Midnimo iyo Wadatashi ku salaysan aayaka tashiga Beesha Reer Xirsi

Waxwada qabsi iyo Abuurid ilo dhaqaale, waxaa lagaga heshiiyay inay beeshu wada jirto oo wada tashato lana abuuro ilo dhaqaale iyo sanduuqyo horumarineed.

Waxaa la xaliyay wixii Khilaafyo ahaa oo jiray, waxayna Beeshu qaadatay Xalay dhalay iyo Iscafis Tolnimo oo Buuxa.
Beesha Reer Xirsi waxay go,aasatay in Madashada Jeedalow oo hadda shirku ka socdo loo aqoonsado loona bixiyo Madasha Shirarka Beesha Reer FIQI Xirsi ee Jeedalow loola sameeyo Sumada waxqabad muuqda oo maalgalineed, waxaana la isla gartay in lagu qaban karo shirarka wax ku ool ah dhamaan Ehelkeena gaar ahaan Cumar Maxamuud.

Xalinta Khilaafyada inakala dhexeeya dadyowga ay beeshu la wadaagto dhalasho iyo Darisnimo, in la xaliyo cidkasta oo beesha waxka tirsanaysa ama wax ku leh, Beeshu isku raacday in dadka walaaleheen ah xaqooda aan siino kulana dhaqano Islaanimo iyo Tolnimo dhab ah.

Beesha Reer FIQI Xirsi waxay go,aansadeen inay ku dhaqanto shareecada Islaamka iyo Xeer hoosaad waafaqsan Diinta Islaamka si loo helo Midnimo iyo Kala danbayn.

Beesha Reer Xirsi waxay go,aanstay in Midnimoda iyo Wadajirka Beesha Cumar Maxamuud in uu Muqadis yahay lana dhowro oo la ilaasho waxkasta oo u dhimaya dhaqanka iyo wada dhalashada Cumar Maxamuud. Hogaanka dhaqan ee Cumar Maxamuud waa Islaan Bashir Islaan Cabdulle Islaan Faarax, sidoo kale waxay beeshu ku talinaysaa in la xaliyo waxkasta oo khilaaf ah oo Cumar Maxamuud dhexdiisa ka jira lana xoojiyo shirkii uu cilamiyey Islaan Bashiir Islaan Cabdulle.

Waxbarashada iyo arrimaha Bulshada waxaa beeshu isku raacday in la xoojiyo waxbarashada dhalaanka, iyadoo horay uu u dhisnaa ururka KAAH oo wax bari jiray ubad dhan 540 ilmood oo ah ilaa dugsi hoose dhexe ah ayaa la go,aamiyey salka loo dhigay in ubadkaas la gaarsiiyo ilaa 1000 (Kun) arday waxbarashadoodana la gaarsiiyo ilaa dugsi sare iyo Jaamacad.

Hadaba si arrimaha beeshu gaartay u sal dhigtaan waxaa miiska la soo saaray in helo hogaan lagu midaysanyahay iyo qaabka hogaankaas. Waxaana la go,aansaday in la dhiso labo gole iyo Hogaan ka sareeya si ay u noqdaan seddex aqal oo wada shaqeeya.

Golaha Nabadoonada iyo Dhaqanka oo dhan 13 xubnood iyo Golaha Qorsheynta, Arrimaha Bulshada, Siyaasada dhaqaalaha iyo Mashaariicda oo dhan 11 xubnood.

Waxaa kale oo loo doortay Fiqiga Beesha Reer Xirsi FIQI Dr. Bashiir Cabdulle Cusmaan oo la doortay 06-Janaayo-2013 oo aynu maanta fadhino caleema saarkiisa Madasha Shirarka Beesha FIQI Xirsi ee Jeedalow Bacaadwayn.

qawmedia.com

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.