Xildhibaan ku dhaawacmey qarax ka dhacay Muqdisho

Published on 12 January 2013 at 20:28

Xildhibaan ku dhaawacmey qarax ka dhacay Muqdisho

qaraxyada maanta dhacay ayaa ahaa kuwo si weyn looga maqlay qeybo kamid ah Muqdisho iyadoo dareen ay ku abuurtay dadka Shacabka ah.

Qaraxaan oo ahaa miinada laga hago ramuudka ayaa lala beegsaday gaari uu saarnaa Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Nuux oo ka tirsan Baarlamanka Somalia xilli uu marayay Xaafadda Buula-xuubey waxaana soo gaaray dhaawac fudud halka ay dhaawacyo culus soo gaareen labo kamid ah Ilaaladiisa.

Dhaawacyada ayaa loola cararay Isbitaalka Madiina halkaas oo lagu dabiibayo.

Afheyeenka Ciidanka Booliska Somalia gen.Bariise ayaa xaqiijiyay in xaaladda xildhibaanka ay soo hagaageyso islamarkaana uu jiro qarax kale oo ka dhacay nawaaxiga warshaddii hore ee caanaha halkaas oo dhaawac uu kasoo garay dad rayid ah oo goobta ka ag dhawaa.

Afheyeenka ayaa xusay inay qaraxaasi usoo qabteen ilaa 8 Qof oo laga shakisanyahay baaritaannada ay socdaan.

qawmedia.com

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.

Create Your Own Website With JouwWeb