Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatey saraakiil ka socota bangiga Aduunka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka codsadey in bangiga Adduunku si toos ah u la shaqeeyo xukuumadda sida dalka Japan go’aansadey oo taageerada ay siiyaan Dawladda ay toos ula xiriiraan dawladda ee aysan u soo marsiin hay’ado kale.
Wefdiga Bangiga Aduunka waxaa hoggaamineysey Deborah (Bella) Bird oo ah madaxa Bangigaga Aduunka ee dalalka Somaliya, Sudan iyo Koonfurta Sudan.
Kulanka Madaxweynuhu la qaatey Saraakiisha ka socotey Banigaga Aduunka waxaa ku weheliyey Wasiirka Maaliyadda iyo Qorsheynta Maxamuud Suleyman, Madaxweynaha ayaa sheegey kadib markii Bangigaga Adduunku ka qamnaa Soomaaliya 22 sano oo ay dalka ka jireen kala danbeyn la’aan in Xukuumadda Soomaaliya diyaar u tahay in ay la shaqeyso Banigaga Adduunka iyo dhamaan hay’adaha maaliyadda ee caalamka.
“Soomaaliya waxay dooneysaa in dib loo soo celiyo hawlihii shaqo ee Bangiga Adduunka, waxaan aaminsahay in Bangiga Adduunku uu qaadan karo door muhim ah oo ku aadan dib u dhiska Soomaaliya, iyo dib u dhiska hay’adihii maaliyadda” ayuu yiri Madaxweyne Xassan.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadley marxaladdii kumeelgaarka ahayd ee 12 sano Soomaaliya ku jirtey, taas oo ku tilmaamey mid aad ugu badneyd Soomaaliya, “Waxaa naga go’an in aan horey u socono, waxaanse u baahanahay taageeradiina”.
QAWMEDIA.COM
Geplaatst door Farhan
Add comment
Comments