Iyada oo gobalka Sh. Hoose uu saldhig u noqday dhibaatooyinka ugu daran ee lagu hayo Shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaa hadda soo baxaya warar sheegaya in siyaasadi kujirto arintaasi. Ibraahim Heeroow oo kamid ah dadka wax bartay ee kasoo jeeda gobalka Sh. Hoose ayaa waxa uu yiri, “Dhibaatadaan gobal

Published on 11 January 2013 at 09:42

YAA U SABAB AH DHIBAATADA KUFSIGA EE KA TAAGAN GOBALKA SHABEELADA HOOSE



Iyada oo gobalka Sh. Hoose uu saldhig u noqday dhibaatooyinka ugu daran ee lagu hayo Shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaa hadda soo baxaya warar sheegaya in siyaasadi kujirto arintaasi.

Ibraahim Heeroow oo kamid ah dadka wax bartay ee kasoo jeeda gobalka Sh. Hoose ayaa waxa uu yiri, “Dhibaatadaan gobal kale kama dhacdo, gobalada dhan ciidan dowladeed ayaa jooga, gobalkaanna waxaa dhibaatata kawada hogaamiye kooxeedkii biyaha webiga Shacabka ka iibsan jiray oo doonaya mar labaad in uu shacabka dhibaatadii dul dhigo”.

 

QAWMEDIA.COM

Waxa uu Heeroow intaa sii raaciyay in aysan suura geli doonin mar dabe in shcuubta kudhaqan Sh. Hoose gumeysi iyo kutakri falid ay lakulmaan ayna ka dhiidhi doonaan falalka guracan ee lagu hayo.

Gobalka Sh. Hoose oo kamid ah gobalada Dowlada Soomaaliya ay sanadkii lasoo dhaafay kala wareegtay Al-shabaab ayaa waxa uu marti geliyay tacadiya ka dhan ah aadanaha oo ay fulinayaan ciidamada qalabka sida, waxaana dhibaatadii ugu darneyd ay ka dhacday duleedka Afgooye oo shan haween ah kufsi wadareed loogu geestay kadibna xubinta taranka Middiyo looga muday.

Dhibaatada gobalka kajirta intaas kaliya kuma eka ee waxaa kajira handadaad, dil, jir dil boob haniyadeed iyo Isbaarooyin gobalada kale aan laga soo tebin, waxa uuna Heeroow hoosta kaxariiqay intaas oo dhibaata ah gobalka in ay kadhacaan ay cid waliba tusi karto in ay jirto fara gelin siyaasadeed oo aan daah saarneyn.

Ibraahim Heeroow si cad afka uguma dhufan cidda siyaasadaan wada hasa yeeshee waxaa marag madoonta ah in gobalkaasi dadkii kasoo talshay uu ugu tun weynaa Yuusuf Siyaad (Indha Cadde) oo si aad ah loogu dhaliili jiray sida uu ula macaamili jiray shacabka gobalkaasi.

QAWMEDIA.COM

 

 


Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.

Create Your Own Website With JouwWeb