Shaqaalaha rayidka ah ee dawladda federaalka oo tababaro loo qaadayo
Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka Tbabarkan waxa uu qayb ka yahay sidii loo ballaarin lahaa korna loogu qaadi lahaa adeega caamka ah, taas oo kamid ah da tiir ee Madaxweynaha Soomaaliya sheegay in uu awoodda saarayoo
Warsaxaafadeed ka soo baxay Hawlaglka Midowga Africa ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa lagu sheegay in todobaadyada soo socda ay bilaabayaan in tababar iyo siminaaro ay u bilaabayaan shaqaalaha rayidka ah ee dowladda, si loo ballaariyo adeegyaada bulashada ee dalka Soomaaliya.
Tababarka waxaa ka qaybgalaya 120 shaqaalaha rayidka ah kuwaas oo ay ku jiraan xoghayaal, masuuliyiinta Borotkoolka iyo kuwa maamulada, waxaana dhaqaalaha ku baxay bixineysa dolwladda Talyaaniga, waxaana barnaamijka fududeyneysa Jaamacada Koonfur Afrika ee UNISA.
Tababarkan ayaa lagu wadaa in uu bilowdo 14 bisha Janaayo 2013, waxaana uu ka dhacayaa magaalada Bujumbura ee dalka Burundi.
QAWMEDIA.COM
Geplaatst door Farhan
Add comment
Comments