Taliyeyaasha ugu sareeya ciidamada dowlada oo socdaal deg deg ah ku gaaray degmada Afgooye

Published on 10 January 2013 at 15:14

SARAAKIIL SARE CIIDAMADA DAWLADA OO SOCDAAL DEG DEG AH KU TAGAY AFGOOYE

Maanta ayey aheyd markii ciidamo ka tirsan dowlada oo ku hubeysnaa gaari dagaal ay dhac, kufsi, jirdil iyo argagax gelin ka geysteen tuulada Alifow oo ku taala duleedka degmda Afgooye, iyadoo shalayna isla duleedka degmadaas ay ciidamo kale dhac iyo kufsi ugu geysteen shacab ka la socday gaari rakaab ah iyadoo ciidamadu ay ku jiraan dhamaan wadooyinka isku xirta Afgooye marka Wanleweyn iyo degaanada hoos yimaada

Ka dib markii ay sii xoogeysatay qeylo dhaanta shacabka degmada Afgooye iyo nawaaxigiisa ay ka muujinayaan falal iskugu jira dil, dhac iyo kufsi oo ay ku hayaan ciidamo ka tirsan dowlada Somalia ayaa waxaa maanta degmadaas socdaal deg deg ah ku gaaray saraakiisha ugu sareysa laamaha amaanka dowlada.

Waxaa ka mid ahaa saraakiisha gaaray degmada Afgooye Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini, Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka Liibaan Cali Yarow, Agaasimaha Hey'adda Nabad sugida Qaranka Axmed Macalin Fiqi, Taliyaha ciidamada Booliska Jen. Shariif Sheekhuna Maye iyo Saraakiil kale oo wata ciidamo fara badan.

Saraakiishan ayaa kulamo kula leh xarunta degmada Afgooye maamulka iyo taliyeyaasha ciidamada degmadaas iyagoo ka wada hadlaya sidii wax looga qaban lahaa qeylo dhaanta ka soo yeereysa shacabka ku dhaqan degmadaas iyo nawaaxigeeda oo ku saabsan falalka dilka iyo dhaca ah ee ay ku hayaan rag ka tirsan ciidamada dowlada, mana jiro wax war ah oo illaa hada ka soo baxay kulankaas oo weli socda.
 
Dhinaca, kale, Maxkamada ciidamada qalabka sida oo la socota saraakiishaas ayaa lagu wadaa iney xukuno ku rido rag ka tirsan ciidamada dowlada oo la soo qabqabtay iyagoo dhac iyo kufsi ka geysanaya degaano ku yaala gudaha iyo hareeraha degmada Afgooye sida ay soo sheegayaan koox suxufiyiin ah oo la socota saraakiishaas.

QAWMEDIA.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.

Create Your Own Website With JouwWeb