Afhayeenka ciidamada AMISOM Col. Cali Aadan Xaamud oo maanta shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho
Afhayeenka ciidamada AMISOM Col. Cali Aadan Xaamud ayaa ugu dambeyn ugu baaqay bulshada caalamka iney xoojiyaan taageerada ay siiyaan dowlada Somalia si dowladu cahageeda iskugu taagto, wuxuuna sheegay in ciidamada AMISOM ay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan dowlada.
Afhayeenka ciidamada AMISOM Col. Cali Aadan Xaamud oo maanta shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyey dhowr qodob oo ay ka mid yihiin amaanka Somalia, waxyaabihii ay qabteen sanadkii hore iyo qorsheyaasha sanadka cusub ee dhowaan bilowday.
Col. Cali Aadan Xaamud ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay sanadkii hore guulihii ugu balaarnaa ka gaareen dagaalka ay kula jiraan xoogaga Al-shabaab ayna kala wareegeen magaalooyinkii ugu badnaa iyo degaano kale oo ay soo geliyeen gacanta dowlada Somalia.
“Ciidamada AMISOM waxay ku amaanan yihiin guulaha naf hurnimada ah ee ay sanadkii hore ka gaareen kooxaha nabdiidka ah iyagoo ka saaray magaalooyin badan iyo degaano kale oo ay dib ugu soo celiyeen gacanta dowlada” ayuu intaa ku daray Col. Xaamud.
Afhayeenka ciidamada AMISOM Col. Cali Aadan Xaamud ayaa sheegasy in qorshahooda sanadkan cusub uu ugu weyn yahay iney ciidamada dowlada Soomaaliyed ka taageeraan dhinacyada qalabka iyo tababarka si ay isku filnaansho u gaaraan ugana maarmaan garabka ay ciidamada shisheeye ka helaan.
QAWMEDIA.COM
Dhibaato badan ayaa ka taagan Amaanka wadada xiriirisa Baydhabo iyto Afgooye qorshaha sanadkan cusubna aynu ku shaqeyn doonana waxaa qeyb ka ah sidii aan u xasilin laheyn wadadaas is igu furo Baydhabo iyo Afgooye” ayuu intaa ku daray Col, Cali Aadan Xaamud.
Geplaatst door Farhan
Add comment
Comments