Dowlada Soomaaliya oo ugu baaqday Hey'adaha samafalka iney tagaan Sh/hoose

Published on 10 January 2013 at 13:21

Dowlada Soomaaliya oo ugu baaqday Hey'adaha samafalka iney tagaan Sh/hoose

Hey'adaha Qaar ee ka howlgali jiray Shabeelaha hoose ayaa Tuhunsan in Shabaab Wali uu ka jiro gobolkaas oo dagaal ay kaga soo qaadaan ciidamada dowlada

Maamulka Dowladda ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa ugu baaqay hay’adaha samafalka ee ku sugan dalka Soomaaliya inay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu howlgalaan Gobalkaasi.

C/qaadir Maxamed Nuur Siidii Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose ee Dowladda Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in Gobalka Shabelaha Hoose uu yahay mid ammaan ah aysana jirin hay’ado ka howlgala.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in loo baahan yahay inay Hay’adaha yimaadaan Gobalkaasi ayna ka shaqo bilaawaan si shacabka Gobalka wax loogu qabto.

Sidoo kale Dowladda Soomaaliya wuxuu ka codsaday inay bixiyaan dhaqaalaha Dowladda ay ugu talo gashay Gobalka Shabeelaha Hoose si wax loogu qabto ammaankana loogu sugo.

QAWMEDIA.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.