Wasiiro Kenyati oo dalbaday baaritaan ka dhan ah ciidamada ka hawlgala Islii

Published on 10 January 2013 at 13:09

Hadalkani oo ka soo baxay wasiirada difaaaca iyo wasiirka horumarinta Gobolka w/bari Kenya ayaa waxaa ay si adag uga hadleen arrimaha xaafada Islii ee magaalada Nairobi

 

Ugu danbeytiina waxaa guddigani ay sheegen in ay ka dalbanayaan dawlada in la yareeyo ciidamda xad dhaafka ah ee sida micna daradda ah loo keenaayo xaafda islii oo ah meel ganacsi badan uu yaalo soomalida ay galisay hanti farabadan.

Wasiirka gaashaandhiga dalka kenya Yusuf xaaji ayaa hogaaminya guddi gaar ah oo loo xil saaray in ay baaritaan ku soo sameeyaan dhibaatoyin ay geysteen ciidamda dalka kenya markii ay baaritaanka ka sameynayeen xaafda islii.

Baarlamanka kenya ayaa la filayaa in la horgeeyo kiisas badan oo lagu dhacay dad soomali ah kuwaasi oo goobahooda shaqo loogu yimid sida wararka sheegayaan,kuwaasi oo si bareer ah ciidamada amaanka uga qaateen lacago aad u farabadan.

Go'aanka kama danbeysta ah ayaa waxaa qaadan doona baarlamanka kenya,ka dib marka ay dhageystaan dacwada la xiriirta dadkan la dhibaateyay qaar ka mid ahna laga dhacay lacago iyo qalab kale,arintani fadeexada ah ayaa soo if baxaday ka dib markii dhawaan wasiirka difaaca uu la kulamay ganacsatada xaafda islii.

QAW MEDIA .COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.

Create Your Own Website With JouwWeb