Beelaha Digil & Mirifle oo shaaciyey maamul ay sameysanayaan

Published on 10 January 2013 at 10:48

Kulan maalinimadii shalay (Arbaca) ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay ayaa looga hadlay sameynta maamul gobaleed laga aasaasayo qeybo kamid ah gobalada koonfurta Soomaaliya.

Ololaha maamul u sameynta ee ka bilowday magaalada Baydhabo ayaa kusoo beegmaya xili horey u jireen dadaal0 ka socday koonfurta Soomaaliya oo maamul loogu sameenayo gobalada Jubbada dhexe, Jubada Hoose iyo Gedo.

Kulankan ayey ka qeyb galeen mas’uuliyiinta maamulka gobalka Bay, maamulka Baydhabo, Siyaasiyiin, Oday dhaqameed,

Kulakan ayaa waxaa lagu dhisay guddi farsamo oo ka qeyb qaadan doona sidii loo qaban qaabin lahaa shirweyne ka dhacaya magaalada Baydhabo oo lagu doonayo in lagu casumo beelaha kale ee ku dhaqan qaar kamid ah gobalada koonfureed ee Soomaaliya.

Maxamed Adan oo kamid ah Guddiga Farsamada ayaa sheegay in marar hore la isku dayey in la sameeyo maamul ay yeeshaan gobalada koonfureed sida Bay iyo Bakool oo ay ku mideysan yihiin isla markaana hada ay markii ugu horeysay fidin doonaan gogol lagu dhisayo maamul gobaleed balaaran.

Siyaasi Madoobe Nuunow Maxamed oo kamid ahaa xubnihii shirkaasi ka qeyb galay ayaa sheegay in dhamaan gobalada ay degen yihiin Beelaha Digil iyo Mirifle uu maamulka gaari doono, asagoo sheegay in guud ahaan koonfurta Soomaaliya uu maamulka ku baahi doono. Inkastoo aan la ogeyn gobalada uu maamulka ka talin doono, iyadii siyaasiyiinta qaarkood ka dhawaajiyeen in guud ahaan Koonfurta loo sameenayo.

Suldan warsame Suldan Caliyow Ibrow oo kamid ah oday dhaqameedka shirka ka qeyb galay ayaa shaaciyey in 20ka bishan ay furan tahay gogasha loo dhigayo dhamaan beelaha Soomaaliyeed ee koonfurta Soomaaliya ku dhaqan inay kasoo qeyb galaan wadahadalka iyo shirweynaha la sheegay in maamulkan lagu sameyn doono.

Cabdifutax Geesey Guddoomiyaha Gobalka Bay oo shirka xiritaankiisa ka hadlay ayaa sheegay in dhinacooda ay gacan weyn ka geysan doonaan sidii loo meel marin lahaa qorshahan ay bilaabeen beelaha Digil iyo Mirifle.

QAWMEDIA.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.