Dawladda Talyaaniga oo ballan qaadey in ay Dawladda Soomaaliya la shaqeyneyso

Published on 8 January 2013 at 17:02

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya ahna raysalwasaare kuxigeenka Marwo Fawsiyo Yusuf Xaaji Adam oo booqasho ku joogta dalka Talyaaniga ayaa kulan la qaadatey dhigeeda dalkaas Guillio Terzi.

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Talyaaniga Mr. Terzi ayaa sheegay in kulanka uu la qaatey kuxigeenka wasiirka kowaad ee Soomaaliya uu ahaa mid miro dhal leh, isla markaana ay iska kaashan doonaan sidii dib loogu soo celin lahaa heshiisyadii Soomaaliya iyo talyaaniga kuwaas oo ahaa saxiib dhaw.

 

Kualnka kadib ayaa labada wasiir la wada hadleen saxaafadda, Marwo Fawsiya ayaa sheegtey in ay ka wada hadleen Wasiirka in dalka Talyaanigu soo celiyo dhamaan iskaashigii uu lalahaa Soomaaliya, taas oo xukuumadda Talyaanigu oggolaatey, sidoo kale waxay sheegtey in Dowlada Talyaanigu ballan qaadey in ay ka taageereyso Soomaaliya tababarada ciidamada Booliska.

Wasiirka Arrimaha dibadda ahna raysalwasaare kuxigeenka Soomaaliya Marwo fawsiya ayaa horey Baarlamaanka Federaalku su’aalo uga weydiiyeen dhismaha safaaradii Soomaaliya oo ahayd hanti Soomaaliya leedahay oo la kireeyey, waxaana ay ballanq aadey in ays amayneyso baaritaan isla marka uu dhamaadona ay baarlamaanka uga jawaabeyso arrintaas

Dalka talyaaniga o horey u gumeystey Koonfurta Soomaaliya ayaa la, lahaa xiriir qoto dheer, waxa uu taageero ka bixin jirey Waxbarashada iyada oo saraakisha Soomaaliya tababar loogu qaadi jirey dalka Talyaaniga sidoo kale xiriir ganacsi ayuu la wadaagey Soomaaliya.

Dhanka kale Marwo Fawsiya Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa sheegtey in ay kulan maanta la qaadanayso bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Talyaaniga isla markaana ay booqaneyso hantidadii maguuraanka ahayd ee Soomaaliya ku lahayd dalka Talyaaniga

QAWMEDIA.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.