Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa shaaciyey labada nin ee uu la doonayo xilalka Xoghayaha Difaaca iyo Madaxa hay’ada sirdoonka ee CIA.
Madaxweyne Obama ayaa horey Xoghayaha Arrimaha Dibada ugu magacaabay Senator John Kerry oo kamid ah xisbiga Dimuquraadiga, kaasi oo bedali doona Hillary Clinton oo xilkaasi hada ka degaysa.
Barack Obama ayaa u magacaabay Xoghayaha Difaaca Senator Chuck Hagel oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, halka uu u magacaabay Madaxa sirdoonka John Brennan.
Labadan nin ayaa magacaabistooda loo gudbin doonaa Golaha Odayaasha ee Baarlamaanka Maraykanka (Senate) oo la doonayo inay ansixiyaan.
Senator Chuck Hagel oo ah nin si weyn looga yaqaan dalka Maraykanka ayaa kamid ah siyaasiyiinta kamid ah Xisbiga Jamhuuriga ah, balse waa nin ay si weyn u neceb yihiin Hay’adaha u ololeeya Isra’iil. Magacaabistiisa ayey si weyn dood uga keeneen warbaahinta iyo waliba kooxaha u ololeeya maamulka Isra’iil.
Chuck Hagel oo loo magacaabay Xoghayaha difaaca ayaa hada kamid ah golaha Odayaasha ee Senateka wuxuuna horey wareysi uu bixiyey ku dhaliilay kooxaha u ololeeya dowlada isra’iil ee awooda ku leh Washington.
“…Kooxahan mararka qaarkood waxay isku dayaan inay dadka u hanjabaan, waxayna in badan sameeyaan falal lidi ku noqon kara Isra’iil, Aniga xilka aan hayo uma dhaaran Madaxweyne gaar ah inaan u shaqeeyo ama Xisbi gaar ah, balse dalkeyga ayaa u dhaartay…” ayuu yiri Chuck Hagel oo horey u bixiyey wareysi uu uga hadlayey saameynta kooxaha u ololeeya Isra’iil oo ayagu awood weyn ku dhexleh dalka Maraykanka.
Sidoo kale ninka uu Madaxweyne Obama u magacaabay Madaxa sirdoonka Maraykanka ee John Brennan ayaa horey usoo ahaa La taliyaha dhanka La dagaalanka Argagaxisada ee Madaxweynaha, Waana nin si weyn loogu yaqaan taageerida uu u hayo adeegsiga Diyaaradaha Daroonka (Drones) oo uu Maraykanka u adeegsado dilida kooxaha kasoo horjeeda. John Brennan ayaa 4 sano kahor xilka Madaxa Sirdoonka loo sharixi lahaa balse dib looga noqday, kadib markii magacaabistiisa si weyn looga horyimid.
Geplaatst door Farhan
Add comment
Comments