Gudoomiyaha baarlamanka soomaaliya oo hoosta ka xariiqy in la joogo waqtigii lala xisaabtami lahaa heyadaha dawlada

Published on 6 January 2013 at 19:59

Guddoonka Baarlamanka Somalia oo sheegay iney bilaabi doonaan la xisaabtanka heyadaha dowlada



Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xeritaanka kalfadhiga 1aad ee Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta horey loogu qorsheeyey dib loo dhigay illaa maalinnimada Isniinta ah oo ku beegan berito.

Max’ed Cismaan Jawaari ayaa dib u dhigistan sheegay inay sabab u tahay dhameystirka howlaha sameynta guddiyada Baarlamaanka oo maalmahanba ay Xildhibaanadu ku howlanayeen, waxaana uu xusay in howlahaasi lagu dhameyn doono maanta oo Axad ah isla markaasina lasoo xiri doono kala fadhiga maalinta Isniinta, isagoo xusay in lagu dhawaaqayo gudoomiyeyaasha 15-ka guddi ee baarlamanka.

waxaa uu intaa ku daray Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Baarlamanka Jeylaani Nuur Iikar in guddiyada inta uu fasaxa ku jiro Baarlamaanka ay soo diyaarin doonaan qorshahooda ay fasaxa ka dib ku howlgeli lahaayeen.

Dhinaca kale, Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Baarlamanka Jeylaani Nuur Iikar ayaa sheegay in wixii ka dambeeya dhameystirka Guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka uu bilaaban doono la xisaabtan buuxa oo dhex mara xukuumada, hay’adaha kale ee dowlada iyo Baarlamaanka.

 

QAWMEDIA.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.

Create Your Own Website With JouwWeb