Ugu yaraan 15 ruux oo ku dhimatay dagaaladii galabta ka bilowday gobolka Gedo oo ilaa caawa soo gaaray
Dagaalka xooggiisa ayaa ka dhacay dhulka howdka ee ku wareegsan degaanka Meykooreebi, halkaasoo la soo sheegayo in ay daadsan yihiin meydadka inta badan dadka geeriyooday oo ka tirsan labada dhinac ee hardamay, iyadoo saraakiil ka tirsan dowlada ay sheegeen in gaadiid kala duwan la iska gubay.
Qiyaastii 15 ruux ayaa ku geeriyootay, in ka badan 25 kalena wey ku dhaawacmeen dagaalo qaraar oo galabta ka qarxay degaanka Meykooreebi oo ku yaala meel illaa 25km woqooyi galbeed kaga toosan magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.
Dagaaladan oo ahaa kuwii ugu xumaa ee gobolkaasi ka dhaca mudooyinkan ayaa bilowday 3:00 galabnimo markii xoogaga Al-shabaab ay weerar rogaal celis ah ku soo qaadeen degaanka Meykoreebi oo saaka ay ka baxeen halkasoo ka dibna ay gaareen cidamada dowlada iyo kuwa Itoobiya oo wadajira.
Goob joogayaal ayaa sheegaya in dagaalkaas uu ahaa mid faraha looga gubtay, labada ciidana ay gacmaha iskula soo tageen, iyadoo hubka culus iyo madaafiicda ay isku adeegsanayeen laga maqlayey degaano badan oo ay ku jirto magaalada Garbahaarey.
Dagaalkan ayaa daba socda dagaal shalay galab isla nawaaxiga degaanka Maykooreebi iyo Ceel-macow ku dhexmaray labada dhinac ka dib markii xoogaga Al-shabaab ay wadada u galeen gaadiid ay wateen ciidamada dowlada iyo kuwa Itoobiya oo ka soo baxay degmada Luuq kuna soo jeeday Garbahaarey, waxaana labada dhinacba ay guulo ka sheegteen dagaalkaas inkaastoo kan galabta dhexmaray aysan weli ka hadlin
Inkastoo dagaalka xooggiisa uu joogsaday qorax dhacii ayaa haddana waxaa la maqlayaa caawa rasaas iyo madaafiic goos goos ah oo mararka qaarkood xoogeysanaya sida ay sheegeen dad ku sugan magaalada Garbahaarey, waxaana la dareemayaa dhaqdhaqaaq ciidan iyo gurmadyo ay kala helayaan labada dhinac.
Tafaftiraha QawMedia.com
Geplaatst door Farhan
Add comment
Comments