Xukuumada Soomaaliya Oo Faah Faahin Ka Bixisay Kulan Looga Hadlayay Howlgalka AMISOM Oo Muqdisho Ka Dhacay

Published on 9 January 2013 at 10:10

XUKUUMAD SOOMAALIYA OO KA HADASHAY HAWLGALKA AMISOM

 

 

 

 

 

 

 

 

Ciidamada AMISOM ayaa haatan waxay si toos ah u caawiyaan dowlada Soomaaliya waxayna ka taageeraan dhinaca la dagaalnka Al-

Shabaab iyo waliba dhinaca amaanka.

 Xukuumada Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay kulan looga hadlayay howlgalka AMISOM oo k dhacay magaalada Muqdisho kaasi oo ay ka qayb galeen madaxda dowlada Soomaaliya

C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in waxyaabihii kulanka ka soo baxay ay ka mid ahaayeen sidii howl galka AMISOM iyo ciidamada qalabka sida ka wadaan dalka ay hogaankeeda la wareegto dowladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in qorshahaan la horgayn doono shirka golaha amaanka ee Qaramada Midoobay, maadaam ciidanada AMISOM ay Soomaaliya u joogaan in ay caawiyaan dowlada Soomaaliya.

C/kariin Xuseen Xuseen Guuleed Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa sidoo kale sheegay in shirka Midowga Afrika ee Addis Ababa looga hadli doono qaabka howl galka AMISOM ee Soomaaliya.

Ciidamada AMISOM ayaa Soomaaliya yimid sanadkii 2007-dii, waxaana waqtigaasi ay ahaayeen Nabad ilaaliyaan inkastoo ay markii danbe isku badaleen Nabad dhaliyaa.

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.