Wasiirka Warfaafinta ee Somaliland C/laahi Maxamed Daahir Cukuse oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa ku shaaciyey in laga bilaabo maanta ay ruqsaddii shaqo kala noqdeen telefishinka Universal,
Telefishinka Universal ayaa in dhowayd waday Barnaamij lagu magacaabo Faaliyaha qaranka oo ah mid majaajilo Siyaasadeed loogana hadlo arrimaha Siyaasadda.
Maamulka Somaliland ayaa maanta shaqada ka joojiyey Telefishinka Universal TV kadib markii ay ku eedeeyeen in uu baahiyay barnaamij liddi ku ah.
Wasiirka Warfaafinta ee Somaliland C/laahi Maxamed Daahir Cukuse oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa ku shaaciyey in laga bilaabo maanta ay ruqsaddii shaqo kala noqdeen telefishinka Universal, wuxuuna ku eedeeyay in uu baahiyey muuqaal lagu aflagaadeynaayo Madaxweyne Siilaanyo.
Wuxuu intaas ku daray Wasiirka in mulkiilaha telefishinka ay hore u kala saxiixdeen heshiisyo balse uu ka baxay. Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay in ay hore u baahiyeen warar been abuur ah, siduu sheegay.
Maamulka Universal TV ee Somaliland ayaa wareysi uu siiyey BBC-da ku sheegay in go’aanka shaqada looga joojiyey uu yahay mid lagu deg degay.
QAWMEDIA.COM
Geplaatst door Farhan
Add comment
Comments