Kulan baroor-diiq ah oo ay ka qeyb galeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Gudooomiyaha Baarlmanaka Soomaaliya Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Wasiirka Arrimha Gudaha iyo Amniga Qaran C/Kariim Xuseen Guuleed, Xildhibaano, Diplomaasiyiin iyo masuuliyiin kale oo lagu xusayey Marxuum Danjire Axmed Maxamed Aadan Qeybe ayaa xalay lagu qabtay Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya.
Kulan baroor-diiq ah oo ay ka qeyb galeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Gudooomiyaha Baarlmanaka Soomaaliya Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Wasiirka Arrimha Gudaha iyo Amniga Qaran C/Kariim Xuseen Guuleed, Xildhibaano, Diplomaasiyiin iyo masuuliyiin kale oo lagu xusayey Marxuum Danjire Axmed Maxamed Aadan Qeybe ayaa xalay lagu qabtay Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya. |
Dhammmaan masuuliyiintii ka qeyb gashay kulanka oo qaarkood hadalo jeediyey ayaa ku dheeraaday Taariikhdii Alaah Naxariistee Marxuum Axmed Maxamed Aadan Qeybe oo ahaa wasiirkii Arrimaha Dibadda Dowladdii hore ee Somaaliya iyagoo tacsi u diray ehelada Marxuumka, islamarkaana tilmaamay in Marxuumku ahaa qof aad u jecel midnimada Umadda Soomaaliyeed. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Allaah uga baryey in Axmed Qeybe Jannadii fardoowsa ka waraabiyo, wuxuuna tilmaamay in Axmed uu ahaa nin Qaran, waxweyna u soo qabtay umadda Soomaaliyeed xili baahiyo waaweyn loo qabay. “ Waxa uu ahaa nin ku dayasho mudan, meel walba ayuu raad kulahaaa intii nolashiisa jirtayna wuxuu u qidmeynayey Umadda Soomaaliyeed. Allaah Naxariistii Janno hasiiyo, Samir Allaah haka siiyo ehelada iyo dhammaan Umadda Soomaaliyeed”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yiri “Waa inaan wax ka baranaa wixii Axmed dalka u soo qabtay,taariikhdii uu ka tegay. Magaciisa iyo waxqabadkiisa ayaana jiri doonaa”. Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yiri “ Dowladda Soomaaliya ee Federaalka ah waxa ay sigaar ah isaga xil-saari doontaa inta nool muwaadiniinta oo ah aabayaashii hore ee dalkaan, Inta dhimantayna taariiikhdooda ayaa la raadin doonaa, Inta soo socotana micno ayey u yeelaneysaa, Dowladda Guddi qaas ah ayey u magacaabi doontaa arrimahaan”
Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inta la ogyahay in Marxuum Axmed uusan ka tegin wax hanti ah hayeeshee taa baddelkeedu uu ka tegey wax hanti ka qaalisan kana qiimi badan, wax badana u soo qabtay xili Umadda Soomaaliyeed u baahi qabtay qof nuuciisa oo kala ah. Dhamaad
|
QAWMEDIA.COM
Geplaatst door Farhan
Add comment
Comments