Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa mar kale loo magacaabay Bashiir Ciise oo horay xilkaasi ugu soo qabtay Dowladdii Cabdullaahi Yuusuf iyo Sheekh Shariif, iyadoo magacaabistiisa ay kusoo beegmeyso xili muran siyaasadeed uu u dhaxeeyo Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra'iisul Wasaaraha.
Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa mar kale loo magacaabay Bashiir Ciise oo horay xilkaasi ugu soo qabtay Dowladdii Cabdullaahi Yuusuf iyo Sheekh Shariif, iyadoo magacaabistiisa ay kusoo beegmeyso xili muran siyaasadeed uu u dhaxeeyo Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra'iisul Wasaaraha. |
Magacaabistaan ayaa warar kala duwan ay kasoo baxayaan, iyadoo shalay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu shalay Muqdisho kula kulmay Safiirada dalalka deeq bixiyeyaasha oo kala hadleen arinta iscasilaada Yusra oo bil ka hor iska casishay xilkan iyo sidii loo dardar gelin lahaa howlaha Bankiga Dhexe. Bashiir Ciise oo waa rug caddaa kasoo shaqeeyay nidaamyadii Maaliyada ee Dowladdii Kacaanka, kadibna wuxuu noqday Guddoomiyihii Bankiga Dhexe ee Dowladdii Cabdullaahi Yuusuf iyo Sheekh Shariif, inkastoo markii danbe uu iska casilay kadib markii ay is qabteen markii uu Wasiirkii Maaliyadda noqday Shariif Xasan , iyagoo isku fahmi waayay soo daabicista lacag Shilin Soomaali aheyd, kuna taliyay in dib loo dhigo maadaama aysan dowladdii Sheekh Shariif ee xiligaasi awood u laheyn iney dalka ku baahiso lacagta lasoo daabaco. Dhanka kale waxaa caqabad ay ka dhalan kartaa ansixinta Golaha Wasiiradda oo la horgeyn doono, iyadoo laga yaabo in uu saameeyo khilaafka Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha, maadaama madaxweynaha uu soo magacaabay Guddoomiyaha Bankiga Dhexe. Bashiir Ciise oo kasoo jeeda deegaanada Puntland ayaa xilkan si KMG ah usii hayn doona, iyadoo ay xayiran yihiin howlih
Bankiga Dhexe ee Soomaaliya. QAWMEDIA.COM |
Geplaatst door Farhan
Add comment
Comments