Mashruuc lagu Horu-marinayay Haweenka Soomaalida oo lagu soo gaba gabeeyay Holland (Sawirro)

Published on 25 November 2013 at 12:27

Kulan lagu soo gaba gabeenayay Mashruuc socday muddo 1-sano ah, oo qaar ka mid ah Haweenka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Netherlands, lagu baraayay sidii kor loogu qaadi lahaa, kobcinta Aqoontooda

 

Kulan lagu soo gaba gabeenayay Mashruuc socday muddo 1-sano ah, oo qaar ka mid ah Haweenka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Netherlands, lagu baraayay sidii kor loogu qaadi lahaa, kobcinta Aqoontooda, is-dhex galka, iyo isku filnaasho dhinaca Nolosha ah, ay ka gaaraan ayaa lagu Qabtay Magaalada Amsterdam ee Caasimada wadanka Holland.

HollandMashruucaan mudada 1-ka sano socday ayaa waxaa Haweenka Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Amsterdam iyo Nawaaxigiisa u qabtay Ururka IFTIN ee fadhigiisu yahay Magaalada Amsterdam, iyadoona ay ka faa’ideysteen Haween kor u dhaafaya illaa iyo 100-ruux.

unnamed (1)Waxyaabaha Mashruucaan ay ku barteen Haweenka ayaa waxaa ka mid ahaa, Waxbarashada Luuqada, isdhexgalka Bulshada, Bar-baarinta wanaagsan ee caruurta, si ay gudaha wadanka Holland ugu dhex bilaabi lahaayeen ganacsi iyagu u gooni ah, iyo isku filnaashiyo guud ay ka gaaraan dhinaca nolosha.

unnamed (3)Kulanka ayaa waxaa kasoo qeyb galay Mas’uuliyiin ka socotay Hey’adda caawisa dadka Magan-galyo doonka ee lagu Magacaabo WVN, iyo Mas’uuliyiin ka socotay dowlada Hoose ee Magaalada Amsterdam, sidoo kale waxaa kasoo qeyb galay xubno ka mid ah Mas’uuliyiinta Ururo Soomaaliyeed ee ka dhisan wadanka Holland.

unnamed (4)Agaasimaha guud ee Ururka IFTIN Shukri Xasan oo kulanka ka hadashay ayaa ku dheeraatay Ahmiyada uu Mashruucaan u lahaa Haweenka, waxa ayna xustay in Haweenkii ka qeyb galay Mashruucaan ay waxbadan ka faa ideysteen, iyadoona xustay in ay sii balaarin doonaan Mashruucaan iyo kuwo kale oo la mid ah isla markaana lagu horumarinayo Haweenka Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Netherlands.

unnamed (5)Guddoomiyaha Ururka IFTIN, Raaxo Geesey oo hadal kooban halkaasi ka jeedisay, ayaa u mahadcelisay dhamaan Haweenkii ka qeyb qaatay Mashruucaan iyo Hey’addihii gacanta ka geystay, waxa ayna sheegtay in ay sii wadi doonaan barnaamijyada lagu horumarinayo Haweenka, iyadoo xustay in Barnaamijkaan oo ahaa mid socday 1-sano ay wax weyn u tartay qaar ka mid ah Haweenka Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Netherlands, kuwaasi oo ka faa’ideystay Mashruucaan.

unnamed (6)Khadiijo oo ka mid ah gabar soomaliyeed oo la shaqeysa Hey’adda caawisa dadka Magan-galyo doonka ee ku dhaqan dalka Holland (WVN) oo kulanka ka hadashay ayaa sheegtay in iyadu iyo Hey’adda ee la shaqeyso ee WVN ay si weyn ugu faraxsan yihiin in ay arkaan, Haween Soomaaliyeed oo la guddoon-siinayo Shahaadooyin ay kaga faa’ideysteen sidii ay u kobcin lahaayeen Noloshooda, waxa ayna xustay in ay ka qeyb qaadan doonaan sidii loo sii balaarin lahaa Mashruucyada noocaan oo kale ah kaasi oo lagu horumarinayo Haweenka.

unnamed (8)Sidoo kale xubnihii kulanka ka hadlay waxaa ka mid ahaa Garyaqaanad Shamso Xasan Saciid oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Ururka Sonppcan, oo iyadu soo dhaweesay in Haweenka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Holland loo qabto Barnaamijyo noocaan oo kale ah si ay dhinaca nolosha isaga filnaadaan.

unnamed (9)Mas’uuliyiinta ka socotay Dowlada hoose ee Magaalada Amsterdam, Hey’adda WVN iyo xubno kale ayaa kulanka hadalo isugu jirtay Mahadcelin iyo dhiira-gelin ka jeediyay, iyadoona ugu danbeyn halkaasi shahaadooyin lagu guddoonsiiyay qaar ka mid ah Haweenkii ka qeyb qaatay Mashruucaan oo 1- sano socday.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

QAWMEDIA.COM

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

unnamed (2)

unnamed (10)unnamed (11)unnamed (12)

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.

Create Your Own Website With JouwWeb