Mooshin ka dhan Ra'iisul wasaaraha oo guddoonka Baarlamaanka loo gudbiyay

Published on 21 November 2013 at 17:02

Waxaa goordhow Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ay u gudbiyeen Guddoonka Baarlamaanka mooshin ka dhan ah Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax SHirdoon "Saacid", waxaana guddoomay guddoomiye kuxigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mahad Axmad Cawad.

 

Mooshinkan oo ah Kalsooni kala noqoshada Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa saxiixay 168 Mudane oo ah tiro sharciga waafaqsan, taasoo caqab ku ah Ra'iisul Wasaare Saacid, wuxuuna xeer hoosaadka Baarlamaanka dhigayaa in mar haddii Xildhibaano ka badan tiradooda 55 mudane saxiixaan mooshin inaan laga noqon karin.

Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka ahna ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka Mahad Axmed ayaa u sheegay Xildhibaanada mooshinka u keenay inuu yahay mid sharciga waafaqsan, isla markaana 55-xildhibaan ay keeni karaan mooshinka, balse haatan Xildhibaanada soo saxiixay ay tiradaas aad uga badan yihiin.

Xildhibaanada mooshinka u gudbiyay Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Baarlamaanka ayaa waxaa horkacayay Xildhibaan Cabdiweli Ibraahim Muudeey, waxaana la sheegayaa in isla galabta guddi hoosaadka Baarlaamka ee 15 guddi ay ka shiri doona ajandaha shirka baarlamaanka ay ugu doodi doonaan iyo mooshinkan.

Guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari oo dalka Kuwait ugu qeybgalaya shir looga hadlayo maalgashiga dalalka Africa oo Jaamacada Carabta qabatay ayaa la filayaa in beri uu dalka dib ugu laabto si uu u shir guddoomiyo kulanka Baarlamaanka ugu horeeyo oo la filayo in codka kalsoonida loogala noqonayo Ra'iisul Wasaare Saacid.

Lama oga go'aanka Ra'iisul Wasaaraha uu lasoo bixi doono, inkastoo ay socdaan shirar kala duwan oo Ra'iisul Wasaaraha uu ku doonayo inuu ku helo codka kalsoonida xildhibaanada.

QAWMEDIA.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.

Create Your Own Website With JouwWeb