Maxkamada Darajada kowaad ee Gobolka Bari ayaa maanta xakuno kala duwan ku riday haweenay iyo laba nin oo ku eedeysnaa dilka Marxuum lagu magacaabi jiray Maxamed Bashiir,kaas oo shan bilood ka hor lagu dilay Hoyaga uu ka dagnaa magaalada Bosaso.
Marxuumka la dilay ayaa qabay Eedeysane Iftin Maxamed Cismaan,taas oo u dhashay Gabar da’deeda lagu qiyaasay 2-sano,waxaana Eedeysanayaashu ay kasoo jeedan Qawmiyada Oromada ee dalka Ehtiopia.
Xeer illaalinta Maxkmada Darajada kowaad ee Gobolka Bari Bashiir Hoobalay ayaa Maxkamada ka hor sheegtay in Shan bilood ka hor dilka Maxrxuum Maxamed Bashiir ay Eedeysanayaashu u adeegsadeen Tooray iyo dhagax ka dibna inta ay googooyen ay ku aaseen Guriga uu Bosaso ka daganaa ,halkaasi oo todobaadkii tagay Ciidamada amaanka Puntland oo ogaaday Kiiska ay Maydkiisa dib uga soo saareen.
Eedeynta Xeer ilaalinta Maxkamada iyo isdifaacafa Eedeysanyaasha ka dib ayaa Guddoomiyaha Maxkamada darajada kowaad ee Gobolka Bari Axmed Salaad axamed oo ku dhawaaqay Go’aanka Maxkmada uu sheegay in Maxkmada Darajada kowaad ee Gobolka Bari ay Dil toogasho ku xukuntay Iftin Maxamed iyo Tamaan,halka Eedeysane Cabdishkuurna ay Maxkamadu dib u dhigtay Kiiskiisa si loogu sameeyo baaritaano dheeri ah.
Halkan hoose ka dhagayso Go’aanka Maxkamada,kana akhri Warka todobaadkii hore Puntlandi uu ka qoray dhacdadan;-
Geplaatst door Farhan
Add comment
Comments