Madexweynaha dawlada Puntland mudane C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa manta daahfuray Mashruuc la xiriira horumarinta deegaanka oo dhaqaalihiisa uu bixinayo midowga Yurub.
Xaflad balaaran oo manta ka dhacday xarunta shirarka jaamacada Puntland ee magaalada Garowe oo ay ka soo qaybgaleen Madexda Sare ee Puntland, Madex ka socotay EU-da, Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa Maxaliga ah, xubno ka socday qayaha bulshada ee Puntland ayaa lagu daahfuray mashruucan la xiriira kobcinta deegaanka Puntland.
Madexweynaha dawlada Puntland mudane C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo si rasmi ah u daahfuray mashruucan ayaa wuxuu sheegay in deegaanku uu ahmiyad balaaran u leeyahay nolosha dadka iyo duunyadaba, wuxuuna carabaabay in Puntland ay ahmiyad gaar ah siinayso.
Madexweyne Faroole wuxuu sheegay in uu aad mahad ugu celinayo saaxibada Puntland ee mashruucan maalgalinaya, wuxuuna muujiyay sida uu ugu qanacsan yahay in horumarka wadanka ay kala qayb qaataan dawlada.
Madexweynaha dawlada Puntland mudane C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole wuxuu ka dhawaajiyay in bari samaadkii deegaanku uu ahaa mid wanaagsan oo ahmiyad gaar ah ay bulshadu siiso, wuxuuna tilmaamay in deegaanku uu yahay halka nolosha umada Soomaaliyeed ay ka soo askuntay, maadaama xoolaha ay dhaqdaan nolol ahaan deegaanka ay ku tiirsan yihiin.
Madexweynuhu wuxuu umada Puntland ku dhiirigaliyay ilaalinta deegaanka islamarkaana ay ka hortagaan wax walba oo ka qayb qaadanaya xaalufka iyo nabaadguurka deegaanka.
Mashruucan horumarinta deegaanka oo uu ku baxayo dhaqaale dhan ayaa waxaa maalgaliyay Midowga Yurub, waxaana fulinaya Hay’ado ay ka mid tahay Care International, islamarkaana ay gacanta ku hayna Wasaarada Deegaanka iyo duurjoogta ee dawlada Puntland si ay uga warhayso sida barnaamijkani loo fuliyay iyo baahiyaha wali taagan, wuxuu qayb ka yahay barnaamij dhinaca horumarinta ah oo Midowga Yurub uu ka fulinayo wadanka Soomaaliya kaas oo 52% dhaqaalaha ku baxaya Puntland ay ka heshay.
Geplaatst door Farhan
Add comment
Comments