Madaxweynaha oo Columbus kula kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanka: SAWIRRO

Published on 23 September 2013 at 14:50

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan kula yeeshay magaalada Columbus ee gobolka Ohio jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool, inkastoo ay jireen dad badan oo ka kala yimid gobollo fog fog oo ay u suuro geli wayday inay la kulmaan madaxweynaha Soomaaliya hoolkii weynaa ee xaflada oo buuxsamay awgeed.

Munaasabadan oo si weyn loo soo agaasimay ayaa Madaxweynaha si diiran loogu soo dhoweeyay, wuxuuna ka hadlay Madaxweyne Xasan Shiikh isbedelladii dalka ka dhacay halkii sano ee ay dowladdiisu xilka haysay.

“Waxaa dhici jirtay markii dowlad dhisan uu waqtigeedu dhammaado inay codsato in loogu daro waqti dheeraad ah si ay howsha u harsan xilligaas ugu dhameystirto, balse innaga waxaa naga go’an inaan marka la gaaro 2016-ka ay dalka doorasho ka dhacdo oo ciddii doorashadaas kusoo baxda ay dalka hoggaamiso,” ayuu madaxweynuhu ku yiri khudbaddiisa.

Madaxweynaha intii uu khudbadiisa socotay wuxuu tacsi u diray dadkii ku dhintay dhismaha ganacsiga ee Westgate iyo dowladda Kenya, isagoo tilmaamay in wax laga xumaado ay tahay falkaasi argagixiso.
Madaxweynaha- Ohio_1Madaxweynaha- Ohio_2Madaxweynaha- Ohio_3Madaxweynaha- Ohio_4Madaxweynaha- Ohio_5Madaxweynaha- Ohio_6Madaxweynaha- Ohio_7Madaxweynaha- Ohio_8Madaxweynaha- Ohio_9Madaxweynaha- Ohio_10Madaxweynaha- Ohio_11

qawmedia.com

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.