Taliska Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo tababar usoo xiray ciidamo ka tirsan XDS(Sawiro)

Published on 20 September 2013 at 10:54

Taliska Ciidamada Xoogga dalka ayaa maanta Xarunta Rasmiga ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya tababar ciidan ugu soo gebagebeeyay Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka kuwaasoo muddo 4-Todobaad ah lagu tababarayay gudaha Caasimadda horayna tababar ugu soo qaatay gudaha iyo dibadda dalka.

dhmmeystiran lagu sameeyo Ciidamada Xoogga dalka iyo guud ahaan Ciidamada Qalabka sida ee Jamhuuriyadda Soomaaliya si loo soo afjaro Maleeshiyaadka xagjirka ah ee Alshabaab.

Ciidamada tababarka loo soo xiray ayaa qeyb ka ah Ciidamada loo diyaarinayo inay Masuuliyadda ammaanka kala wareegaan Ciidamada AMISOM oo haatan gacanta ku haya Xarumo ay kamid tahay Xarunta Wasaaradda Difaaca.

.
Abaanduulaha CXDS Gen.C/Risaaq Khaliif Cilmi oo maanta soo xiray Tababarka ayaa ku ammaanay Ciidamada Dedaalka ay muujiyeen Waxa uuna uga mahadceliyay Hay’adda Bankrufty dedaalka ay ku bixisay tababarka Ciidamadan oo sugi doona ammaanka xarunta Wasaaradda Difaaca ee Magaalada Muqdisho.

Abaanduulaha oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta ee ku xadgudubta dareeska Ciidamada Xoogga dalka ama si qaldan u adeegsata,isagoo farta ku fiiqay in tallaabo adag oo sharciga waafaqsan laga qaadi doono islamarkaana loo diyaariyay ciidamo Police-Militario ah oo ka hortagi doona arrintaasi.

Gen.C/Risaaq Khaliif Cilmi Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa tilmaamay in maanta wixii ka dambeeyay ay Hogaammada kala duwan ee Ciidamada Xoogga dalka iyo Shaqaalaha Wasaaradda Gaashaandhigga usoo guureen kuna shaqeyn doonaan Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga oo dib u dhis lagu sameeyay.

sidoo kale Abaanduuluhu waxa uu tababar u furay hurin kale oo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka oo muddo todobaadyo ah socon doona waxa uuna ugu baaqay ciidamada inay si wanaagsan uga faaiideystaan.

Arrintaan ayaa qeyb ka ah hirgelinta Go’aankii kasoo baxay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Prof.Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aaddanaa in dib u dhis iyo qalabeyn

QAWMEDIA.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.