Midowga Yurub oo 650-milyan oo Euro ugu deeqay Soomaaliya

Published on 16 September 2013 at 17:20

Caawimaadan ayaa waxaa ku dhawaaqay madaxa commisionka EU Jose Manuel Barroso kaas oo shir jaraa`id ay si wada jir ah u qabteen maanta madaxweynaha Soomaaliya kadib shirkii "NEW DEAL FOR SOMALIA" oo maanta ka dhacay magaalada Brussels

 

Jose Manuel Barroso ayaa sheegay in Soomaaliya ay sanadkan ku talaabsatay horumar la taaban karo balse ey wali ay hartay wado dheer.

Lacagtan Midowga Yurub ku yaboohay ayaa ah mid labo  sanodood soconeysa, waxaana lagu maalgelinayaa amaanka iyo dhismaha hey`adaha dowladda.

In ka badan 50-dowladood oo ka kala socda qaaradaha Afrika, Asida, Yurub iyo Ameerika ayaa ka qeyb galay shirka maanta ee Brussels.

Deeq bixiyaasha ayaa ku dhawaaqay barnaamijka NEW DEAL kaas oo looga gol leeyahay sidii dib loogu soo kicin lahaa dhaqaalaha islamarkaana loogu adkeyn lahaa dowladnimada Soomaaliya. 

QAWMEDIA.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.