Shirkada cusub oo laga leeyahay Turkiga oo la wareegtay maamulka garoonka diyaaradaha Muqdisho

Published on 15 September 2013 at 15:36

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejisay maamulka Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho shirkad cusub oo dalka Turkiga laga leeyahay lana yiraahdo Favori.

 

asiirka warfaafinta Boostada iyo isgaarsiinta Dowladda Soomaaliya C/laahi Ciilmooge Xersi oo warbaahinta kula hadlay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in howlaha Garoonka diyaaradaha Muqdisho ay la wareegtay shirkada Favori oo ah shirkad Turkish ah.

Wuxuu sheegay Wasiirka in howlaha garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin la wareegida Garoonka Muqdisho shirkadan cusub ee la wareegtay.

Wasiirka warfaafinta ayaa beeniyay warar sida uu sheegay laga faafiyay kaasi oo ahaa inuu kasoo horjeedo in shirkada SKA oo ah shirkadii horey gacanta ugu haysay Garoonka Muqdisho laga wareejiyo laguna wareejiyo shirkada Favori ee dalka Turkiga laga leeyahay.

QAWMEDIA.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.