Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismayo ayaa waxa sheegayaan in weerar ismiidamin ah oo loo adeegsaday baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay lala eegtay kolonyo uu la socday madaxweynaha maamulka KMG ah ee Jubba.
Axmed Madoobe oo maanta ku laabtay magaalada Kismayo ayaa waxaa uu ka ambabaxay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho halkaas oo uu maalmihii u dambeeyay ku sugnaa.
Weerarka ayaa lagula eegtay kolonyada Axmed Madoobe agagaarka Aargada ee magaalada Kismayo, iyadoona qaraxa ka dib la maqlay rasaas badan.
Gaariga ismiidaaminta ayaa lagu dhuftay kolonyada madaxweynaha, waxaana ilaa iyo hada ay wararku sheegayaan in ay ku dhinteen ku dhawaad 10-ruux oo ilaaladiisa u badneyd.
Dhaawac ayaa la sheegay in uu madaxweynuhu ka soo gaaray qaraxaasi ismiidaamin, walow aan wali la ogeyn halka uu ka dhaawacmay, iyadoona la geeyay dhaawiciisa garoonka magaalada Kismayo.
Wali ma cadda cida ka dambeysa qaraxaasi.
QAWMEDIA.COM
Geplaatst door Farhan
Add comment
Comments