Heshiiskii ay wada gaareen dowladda iyo Axmed Madoobe oo dhameystiran (23-QODOB, AF-SOMALI)

Published on 29 August 2013 at 10:30

HORUDHAC: Dowladda federaalka Soomaaliya iyo wafdiga ka socda Jubba oo wada hadalo uga socdeen Addis Ababa inta u dhexeysay 20 ilaa 27 August 2013 ayadoo uu marti gelinayay guddoomiyaha Golaha Wasiirada Arrimha Dibada ee IGAD.

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wafdiga Jubba oo hadda wixii ka dambeeya ee heshiiskan loogu yeerayo qeybaha heshiiska galay waxaa ay ka wada hadleen dhowr arrimood oo ku aadan xaalada siyaasadeed, maamul iyo amni ee hadda ka taagan Jubba.

Iyadoo la xasuusan yahay war murtiyeedkii ka soo baxay madaxda IGAD kulan madaxeedkii 21aad ee aan caadiga aheyn eek a dhacay addis ababa 24ka May 2013.

Mabaa diida ayaa ah:

  1. Dowladda Soomaaliyeed ay leedahay hogaanka geedi socodka.
  2. In la xurmeeyo dastuurka kumeel gaarka ah ee jamhuuriyadad Soomaaliya.
  3. In wada tashiyo loo dhan yahay uu dhaco oo ay ka wada qeyb galaan dhamaan dadka Soomaaliyeed.
  4. Doorka taageero ee IGAD kaasoo ku saleysan mabaadiida dowladda Soomaalia.
  5. La dagaalanka Al-shabaab in uu yahay diirada koowaad ee dowladda federaalka Soomaaliya, iyo taageerayaasha goboleed iyo midka caalami.

Iyadoo la xasuusanaayo Warmurtiyeedkii ka soo baxay shir madaxeedkii dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee ku shaqeeya howlgalka midowga afrika ee AMISOM eek a dhacay Kampala, Uganda, 4tii August.

Iyadoo lagu celinayo in baahida loo qabo dhamaan geedi socodyada gaar ahaan dadaalada socda ee ku aadan sameynta maamulda Soomaaliyeed, iyo dadaalada lagu xasilinaayo in ay ku saleysan yihiin mabaa diidada federaalka ee ku jirta dastuurka KMG iyo sharciga dowladda hoose iyo qorshaha xasilinta.

Iyadoo si buuxda loo aqooonsan yahay sareynta dastuurka KMG ee jamhuuriyada federaalka Soomaaliya, ayna dowladda federaalka ay tahay midda kaliya ee matalaysa Soomaaliya madaxa-banaan.

Iyadoo si buuxda loo xurmeynayo midnimada, madax-banaanida iyo xurmeynta dhulka jamhuuriyada federaalka Soomaaliya.

Waxaa ay qeybaha go’aansadeen oo ay ku heshiiyeen:

QODOBKA KOOWAAD

Dhisidda Maamulka KMG

  1. Dowladda federaalka Soomaaliya iyo wafdiga Jubba waxaay ku heshiiyeen in la sameeyo Maamul KMG oo uu leeyahay Jubba kaasoo ka kooban Gobalada Gedo, Jubada hoose iyo Jubada dhexe ayadoo aan looga eexaneyn wax alla wixii dadka deeganadan go’aansadan inta lagu guda jiro geedi socdoka dastuurka. Maamulkan KMG ah waxaa loogu yeeri doonbaa Maamulka Jubba ee KMG
  2. Inta uu jiraayo maamulka KMG ah ee Jubba waxaa uunan dhaafeynin muddo aan ka badneen 2 sano taasoo inta uu jiro ayadoo uu ku xiran tahay geedi socodka dastuur u sameynta la sameyn doono dowled goboleed ka tirsan federaalka.
  3. Ayadoo la maraayo dariiqa wada tashiga, qeybaha heshiiskan waa ay wada shaqeynaayaan iyadoo aan laga leexaneyn dastuurka KMG ee Soomaaliya.
  4. Maamulka KMG ee Jubba waxaa uu u dhisnaanayaa Gole Fulin iyo Kulan Goboleed.
  5. Madaxa Maamulka KMG waa madaxa seddaxda gobol ee Gedo, Jubbada hoose,iyo  Jubadda dhexe, waana guddoomiyaha golaha fulinta, waxaana uu hoos tagayaa dowladda federaalka Soomaaliya.
  6. Madaxa maamulka waxaa uu magacaabaya 3 ku xigeen isaga oo kala tashanaayo dowladda federeaalka Soomaaliya waxaana ay xubin a yihiin golaha fulinta.
  7. Golaha Fulinta waxaa uu leyahay awood fulin ee maamulka KMG, waxaana xubnahoda magacaabi doono madaxa maamulka asagoo la tashanaayo lana kaashanaya dowladda federaalka. Dowladda federaalka waxaa ka saaran masuuliyad in ay xaqiijiso in loo dhan yahay.
  8. Kulan Goboleedka waxa uu noqonayaa mid loo dhan yahay oo matala dhamaan qeybaha ku nool gobolada iyo qabaa’ilka, waxaana soo dooranaya odayaasha dhaqanka ayadoo kuraasta loo qeybsanaayo si isku dheeli tiran oo degmooyinka seddaxda gobol ah ayadoo laga tusaale qaadanayo u dhamaansho, isku dheelitirnaan, iyo hab dib u heshiisiineed. Qodobada iyo nidaamka lagu dhaqaayo maamulkan KMG waxaa uu ahaanayaa mid waafaqsan dastuurka KMG ah ee Soomaaliya waxaana meel marin doono baarlamaanka federaalka.
  9. Marka sharciga dowlada hoose uu dhaqangalo, Gudoomiyayaasha Gobolada Jubada hoose iyo Jubada dhexe waxaa magacaabaya madaxa maamulka ayadoo lagu saleynaayo qeybta ku saleysan loo dhamaansho ayadoo lala tashanaayo oday dhaqameeydaya iyo dowladda federaalka Soomaaliya. Maamulka hadda ka jira Gedo waxaa uu u jiraa sida uu yahay.

QODOBKA LABAAD

Maamulka Hay’adaha federaalka iyo Ilaha Dakhliga

10. Hay’adaha federaalka iyo ilaha dakhli ee ay ku jiraan dekada Kismayo iyo Airporka iyo hay’adaha kale waxaa loo aqoonsan yahay in ay yihiin hanti iyo barwaaqo sooran dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin.

11. Dakada iyo Airporka Kismayo waxaa loo isticmaalaya si u daneyneynsa nabada iyo barwaaqada dadka Soomaaliyeed ayadoo hogaankeeda iyo maamulka ay leedahay dowladad federaalka Soomaaliya.

12. Dakada iyo Airporka magaalada kismayo waxaa lagu wareejinayaa dowladda federaalka Soomaaliya muddo lix bilood ah gudaheeda iyadoo markaa kadib dowladda federalka ay soo magacabeyso maamul karti u leh in ay maamulaan ayadoo lala tashaneyso maamulka KMG waxaana lixda bilood ee hadda taagan sii wadaya howshooda maamulka hadda jira. Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa ay magacabaysaa saraakiisha waaxda socdaalka.

13. Dakhliga ka soo galo Airporka iyo Dekada kismaayo waxaa loo maamulaa si cad oo taxader leh oo isla xisaabtan leh.

14. Dakhliga iyo dhaqaalaha kale ee ka soo galo Dekada kismayo iyo Airporka kismaayo waxaa loo isticmaalayaa oo kaliya, lagu maalgelinayaa, laguna bixinayaa muhiimada amniga, adeega bulshada iyo dhisida hayadaha Jubba.

15. Habkan KMG waxaa uu soconayaa ilaa laga gaarayo heshiis kama dambeys ah oo ku aadan qeybsiga dakhliga dalka sida lagu sheegayo geedi socodka dastuurka.

QODOBKA SEDAXAAD

Maamulka Hay’adaha Amniga iyo Isku dhafka Maleeshiyada

16. Dhamaan xoogaga Ciidan ee ay ku jiraan maleeshiyooyinka Raskambooni, Darwiish iyo kuwa kale waxaa lagu dhafaa kana amar qaadanayaan ciidanka qaranka Soomaaliya, ayadoo ciidanka booliska ay hoos tagi doonan maamulka KMG ee Jubba.

17. Dowladad Federaalka Soomaaliya iyo maamulka la sameeyay ee KMG ah ee Jubba waxaa la sameynayaa guddi farsamno oo amni oo isla eegaya sida maleeshiyada loogu dhafaayo ciidanka qaranka. Guddiga farsamo waxaa uu sidoo kale ka howlgalayaa in uu dib u habeyn ku sameeyo hay’adaha amniga.

18. Ku dhafida maleeshiyaadka ee Ciidanka Qaranka waxaa lagu fuliyanaya waqtiga uu dajiyo guddiga farsamo ee amniga ee fowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubba ee KMG ayagoo la kaashanaya AMISOM.

19. Dowladda federaalka waxaa ay ahmiyada siineysaa ciidankii dagaalamaya ee Al-shabaab looga soo wadi lahaa oo loogu dari lahaa cidanka dowladda ama ay kusoo laabtaan nolsha madaniga ah.

QODOBKA AFARAAD

Dib u Heshiisiin iyo Kalsooni Dhisid

20. Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa ay abaabuleysaa ayna qabaneysaa muddo 2 todobaad ah gudaheeda shir dib u heshiisiineed oo Muqdisho ka dhaco. Shir nabadeed daba socda ayaa ka dhacaayo Kismaayo.

21. Shirka dib u heshiisiinta Muqdisho waxaa uu noqonayaa mid lagu wada tashanaayo si loogu dhameystiro dhismaha Maamulka KMG ah ee Jubba.

22. Inta uu socdo shirka dib u heshiisiinta ee Muqdisho waxaa la isla garan doona geedi socodka dhisida maamulka goboleedka habka federaalka.

23. Dowladda federaalka Dimuqraadiga ee Itoobiya ayaa waxaa ay tahay cidda damaanad qaaadaysa heshiiskan.

Waxaa lagu heshiiyay 27ka August 2013 waxaa lagu galay addis ababa, Ethiopia.

Heshiiska waxaa saxiixay:

Farah Sheikh Abdulkadir                               Sheikh Ahmed Mohamed Islaan

  Oo ku hadlaya magaca DF                            oo ku hadlaya magaca Maamulka KMG ee Jubba

 

Damaanad-Qaade                            

Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus

Gudoomiyaha Golaha Wasiirada Aimaha Dibadda ee IGAD

 

 

QAWMEDIA.COM


Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

Breanna
11 years ago

Hi, my name is Breanna and I am the sales manager at Ortego Marketing. I was just looking at your website and see that your site has the potential to become very popular. I just want to tell you, In case you don't already know... There is a website network which already has more than 16 million users, and the majority of the users are interested in niches like yours. By getting your website on this network you have a chance to get your site more popular than you can imagine. It is free to sign up and you can read more about it here: http://pictwiitr.ca/lg - Now, let me ask you... Do you need your website to be successful to maintain your business? Do you need targeted visitors who are interested in the services and products you offer? Are looking for exposure, to increase sales, and to quickly develop awareness for your website? If your answer is YES, you can achieve these things only if you get your website on the network I am describing. This traffic network advertises you to thousands, while also giving you a chance to test the network before paying anything. All the popular blogs are using this network to boost their readership and ad revenue! Why aren’t you? And what is better than traffic? It’s recurring traffic! That's how running a successful website works... Here's to your success! Find out more here: http://dakron.net/1t
Breanna http://marshmallow-digital.com/cz/2m

Create Your Own Website With JouwWeb