Nicholas Kay oo ka hadlay eedeynta kufsiga ah ee ka dhacday xerada AMISOM

Published on 19 August 2013 at 12:25

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, Nicholas Kay, ayaa walaac ka muujiyay eedeymaha ku aaddan kufsi ka dhacay xero militeri ee ay leeyihiin ciidamada AMISOM.

 

Wuxuu soo dhoweynayaa go’aaanka ay qaateen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AMISOM ee ay ku sameyeeyeen guddi baara eedeymaha.

''Waxaa muhim ah in baaritaanku uu noqdo mid qotodheer oo degdeg ah. Waxaan ku faraxsanahay siyaasadda Madaxweynaha Soomaaliya ee ah in aan marna loo adkeysanin kufsiga''ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay.

''Haddii uu jiro kiis ama dacwad dhab ah ee u baahan in laga jawaabi, waa in dembiilaha ama eedeysanaha waa in maxkamad la soo taagaa oo lala xisaabtamaa iyadoo xuquuqda asaasiga ahna la ilaalinayo''ayuu ku raaciyay Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay.

Kufsiga ama dhibaatada loo geysto haweenka ee ka dhaca inta badan Muqdisho waa mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu halista badan ee lagu hayo haweenka soomaliyeed.

QAWMEDIA.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.

Create Your Own Website With JouwWeb