Safiirka cusub ee Mareykanka usoo magacaabay Soomaaliya oo kusoo wajahan Muqdisho

Published on 15 August 2013 at 13:55

Danjiraha gaarka ah ee dowlada Maraykanka u soo magacaawday dalka Soomaaliya James P. McAnulty ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay howshiisa Safiirnimo kadib markii uu badalay Safiirkii hore ee Mareykanka u qaabilsanaa Soomaaliya.

 

James P. McAnulty ayaa la filayaa inuu dhawaan soo gaaro magaalada Muqdisho si uu waraaqihiisa aqoonsi ee Safiirnimo u guddoonsiiyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Safiirkan cusub ee Dowladda Mareykanka u soo magacowgaday Soomaaliya ayaa la filayaa inuu wanaajiyo xiriirka Dowladda Mareykanka uu la leeyahay Soomaaliya, iyadoo mudooyinkii danbe Mareykanka uu ilgaar ah ku haayo arrimaha Soomaaliya.

Mr. James P. McAnulty ayaa arrimaha siyaasadda kusoo biiray sanadkii 1983, waxaana uu safiiro kasoo noqday dalalka Venezuela, Mexico, Costa Rica, Kenya, Belgium oo Midowga Yurub uu wakiil ugu ahaa Mareykanka iyo markii danbe uu ahaa Qunsulka Maraykanka u fadhiya magaalada Abuja ee dalka Nigeriya.

Dowladda Mareykanka waxay taageero dhaqaale oo Malaayiin ah ku bixisaa howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ee Soomaaliya, iyadoo la aaminsan yahay iney gacan xoog badan ku leedahay howlgalka lagula dirirayo Al-Shabaab ee ka socda Koonfurta Soomaaliya.

QAWMEDIA.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.