SAWIRRO:Heshiis ay kala saxiixden Baarlamaanada Somalia & Ugandha

Published on 13 August 2013 at 22:38

Waxaa maanta heshiis lagu mataaneynayo Baarlamaanada Soomaaliya iyo Ugandha ku kala saxiixday Kampala Guddoomiyeyaasha labada Baarlamaan Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari iyo dhigiisa dalka Uganda Hon. Rebecca Alitwala Kadaga.

 

Heshiiskan oo ka dhacay xarunta Baarlamaanka dalka Uganda ayaa waxay labada Gudoomiye sheegeen in heshiiskaani uu yahay mid lagu mataaneeynayo Baarlamaannada Soomaaliya iyo Uganda isla markaana dhabaha u xaarayo iney labada Baarlamaan yeeshaan wadashaqeyn iyo qibrad isweeydaarsi joogta ah.
Somali-Ugandha-1

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in heshiiskaani in uu noqon doono mid laga wada faa'iideysto isla markaana labada Baarlmaan ay isdhaafsan doonaan, iyadoo laga faa'iideysanayo khibrada Baarlamanaka Ugandha maadaama uu soo maray xaalad tan Soomaaliya ay hadda ku jirto oo kale.

Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Ugandha Mrs. Rebecca Alitwala Kadaga ayaa u mahad celisay wafdiga Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo ku ammaantay sida uu Baarlamaanka Soomaaliya u shaqeeynayo mudada sanadka ah ee uu jiro, waxayna ku boorisay in ay sii laba jibaaraan howsha ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan.
Somali-Ugandha-2

Wafdiga Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa isla maanta lagu casuumay iney booqdaan dhismaha Baarlamaanka dalka Uganda halkaasina ay kula kulmeen guddiyada baarlamaanka dalka Ugandha oo howlo shaqo dhismaha u joogay.
  Somali-Ugandha-3Somali-Ugandha-4Somali-Ugandha-5Somali-Ugandha-6Somali-Ugandha-7Somali-Ugandha-8

Somali-Ugandha-9

 

QAWMEDIA.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.