rof. Cali Maxamed Geeddi ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya in tallada dalka iyo mustaqbalka Soomaaliya ay afduub ku haystaan Madaxweynaha Soomaaliya iyo Labo shaqsi, wuxuuna tilmaamay in taasi aan laga yeeli doonin in talada dalka kusoo koobmato shaqsiyaad iyo Dam Jadiid.
Prof. Geeddi oo ka hadlayay xaflad lagu taageerayay Jubaland Wuxuu sheegay in Dowladda cusub ee Soomaaliya u dhalatay ay tahay nasiib daro soo wajahday shacabka Soomaaliyeed, xili rajo laga qabay buu yiri in horay loo sii socdo.
"Dowladda Xasan Shiikh isagaa laga rabaa iney ilaaliso dastuurka iyo axdiga dalka u degsan iyo ilaalinta midnimada Soomaaliyeed, laakiin doorkaasi wey gabtay" ayuu yiri Geeddi oo ku kaftamay Odaygii dhega la'aan baa lagu ogaa, Indha la'aan ayuu ku darsaday.
"Madaxweyne Xasan Sheekh Waxaan leeyahay Dowladdii la idiin igmaday hadaadan ku shaqeynina dalka iyo dalka idinka kaligiin ma lahidiin, mas'uuliyadana waa la idinla leeyahay, dastuurkii qaranka Soomaaliyeed inta meel la iska dhigo, Walaahi ayaan ku dhaartay Soomaali ma ogolaan doonto in 3 nin Maskaxdooda in dalka lagu maamulo, weliba waan u caqli celineynaa is toosiya ayaan leenahay, koox qabsatay dalka ma jirto, waxaan meelaha ka maqlayay Dam jadiid iyo anigu ma aqaan" ayuu si kulul u yiri Cali Geeddi.
Wuxuu ugu baaqay Dowladda iyo Madaxweynaha in ay kusoo dhacaan jidka saxda ah ee aysan ku shaqeyn jidka qaldan, isagoo shacabka ugu baaqay iney ku baraarugaan lana xisaabtamaan dadka madaxdda u ah.
Madax fadhi ku dirireyso madax ma ahan, hadaadan sixi karin waxa qaldan meesha baneeya, rag saxaya ayaa la keenayaa" ayuu yiri Geeddi oo si aan kala har laheyn u weeraray Madaxda Dowladda oo uu ku sheegay Macallimiin iney meesha joogto.
Wuxuu sheegay in la bartilmaadsanayo beelo Soomaaliyeed, isagoo xusay in habeen hore 100 dhalinyaro ah oo hal qoys kasoo jeeda laga soo kaxeystay Hotel Ramadaan, sidoo kale ganacsato Soomaaliyeed ayuu sheegay in hantidooda la burburiyay.
"Muqdisho maalintii Dowladda ka taliso habeenkii Shabaab, ma ogtihiin, taasi dowladnimo ma ahan, xiligii aan joogay 16-ka degmo canshuur ayey dowladda ka qaadeysay" ayuu yiri Geedi.
Hadalka Prof. Geeddi oo dhinacyo badnaa ayaa mar uu ka hadlayay arrimaha Jubbooyinka ayuu sheegay in Jubaland ay taagan tahay isla markaana ay taageerayaan.
Sidoo kale wuxuu ka hadlay arrimaha Kenya iyo Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in Kenya aysan damac ugu jirin taako ka mid ah dhulka Soomaaliya.
Kulankan uu khudbada siyaasadeed ka jeediyay Cali Maxamed Geeddi ayaa waxaa kasoo qeybgalay Cumar C/rashiid oo Ra'iisul Wasaare kasoo noqday Dowladdii KMG, Prof. Gaandi, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Kenya oo uu ka mid ahaa Ilyaas Barre Shiil iyo xubno kale.
QAWMEDIA.COM
Geplaatst door Farhan
Add comment
Comments