aliska Police-ka Soomaaliyeed ayaa maanta waxa ay saxaafda ugu soo bandhigeen magaalada Muqdisho sagaal ruux oo rag iyo Dumar isugu jira kuwaas oo sida ay sheegeen gacanta lagu soo dhigay iyaga oo gacanta kula jira falal amaanka ka dhan ah.
Xarunta Kumaando buliisiyo ee magaalada Muqdisho ayaa Taliyaha ciidanka Booliska Soomalaiyeed Gen. C/ xakiin Daahir Saacid iyo Sarakiil kale waxaa ay saxafada u soo bandhigeen dadkaan oo ay sheegen in qaarkood ay shacabka u dhbateynayeen tuutaha ciidanka Soomaaliyeed.
C/ xakiin Daahir Saacid ayaa waxa uu sheegay in soo qabashada shaqsiyaadkaan oo loo heesto dilal qaraxyo iyo dhibaatooyij kale ay timid kadib howl-gallo ay sameeyeen ciidadnka amaanka oo uu ku sheegay kuwa u taagan taaba gelinta amaan leesku haleyn karo oo dalka oo dhan ka hana qaada.
Dhanka kale, waxaa qarax miino oo loo dhigay ka bad-baaday gudoomiyayaasha degmooyinka Warta Nabada iyo Deyniille kuwaas oo gawaari ay wateen lala eegaty qarax xilli ay marayeen wadada Warshadaha.
Labada gudoomiye ayaa la sheegay in aan wax dhibaata ah kasoo gaarin weerarka lagu aqaday, iyada oo kadib baaritaan ay ka sameeyeen haalkii lagu hujuumay la sheegay in ay ku dileen ilaladoodu ruux looga shakiyay in uu kamid ahaa kooxihii ku lug lahaa fulinta weerarka.
QAWMEDIA.COM
Geplaatst door Farhan
Add comment
Comments
Asc,dhaman, intas kadib walalken saiicd, iyo intikale o igu dhanto waxan weydinaya, hal su'aal o ahmiyad igu fadhido, plz, iga sojawaba,idinko mahadsan, su'aashas o ah, ilaa,gorme ayey cado ama dhaqan katahay, sweden in ey galan bishan o kale fasax, ama gormey bilaaban, fasaxa ile gormusa ku egyahay hay,adaha, wawen e wadanka,sida lanta socdalka okale xafisyadeda, fadlan hadad igu dhanto JW, iga,sosi?U codee: 2 0