Warbixin iyo Sawiro Booqashadii RW hore Mudane Gaas ee Koonfur Afrika imaatinkiisii ilaa ka ka dhoofidiisii Koonfur Afrika

Published on 16 July 2013 at 11:58

Raysal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maalmahaan wuxuu booqasho dheer ku yimid Dalka Koonfur Afrika,

Raysal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maalmahaan wuxuu booqasho dheer ku yimid Dalka Koonfur Afrika, Mudane Gaas waxaa Garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyey Safiirkii Soomaaliya oo maalmo ka dib Geeriyoodey, Dr. Gaas wuxuu ka qayb galay Tacsidii Marxuumka,

mudane Gaas intii uu joogay Koonfur Afrika wuxuu kulan la qaatey Wasaarada Arimaha Dibada Koonfur Afrika oo si kulul ugala hadley dhibaatooyinka Shacabka Soomaaliyeed kasoo gaara Joogitaankooda Koonfur Afrika iyo dhibka loo geysto, isagoo eed dusha uga tuurey Koonfur Afrika kuna ee deeyey in Dowlada Koonfur Afrika loo heysto magta Soomaali badan oo si dayac ah loogu diley ayna amaankooda dayeceen Bileysku, Dowlada Johanesberg na ay ka indha saabatay iyagoo og, Arintaas Mudane Gaas si gaara ayuu ugula hadley Dowlada Koonfur Afrika.

Prof. Gaas intii uu joogay Johanesberg wuxuu kaloo khudbad dheer ka jeediyey Mac’hadka Amniga ee Koonfur Afrika, wuxuuna ka hadlay Xaalada Soomaaliya iyo sidii Soomaaliya uga soo gudubtay Wakhtigii adkaa ee kumeel gaarnimada.

Jaaliyada Soomaaliyeed Waxgaradkeeda iyo Aqoonyahanada ayaa si gaara maalin Qado sharaf ugu sameeyey Mudane Gaas iyagoo Qadadaas ay isku wareysteen.

Jaaliyada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika Waxay Mudane Gaas u sameeyeen Xaflad balaaran oo lagu soo dhaweynayay Masuulka sare Prof. cabdiwali Maxamed Cali Gaas, wuxuu halkaas Gaas ka jeediyey Khudbad dheer.

Intii uu joogay Dr. Gaas Magaalada Johanesberg waxaa ho’yga uu deganaa maalin walba kusoo booqanayay Dad aad u fara badan oo mid walbaa toobik gooni ah ka wareysanayay.

QAWMEDIA.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.