Wararkii Ugu Dambeeyay Weerar Ismiidaamin ah oo dad badan ku dhinteen oo Goor dhaw ka dhacay Isgooska KM-4 iyo Cida lala eegtay Weerarkaasi
Waxaa Faah faahino dheeraad ah kasoo baxayaan Weerar Ismiidamain ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo goordhaw ka dhacay Isgooska KM-4 ee Magaalada Muqdisho .
Qaraxan Ismiidaaminta ah ayaa loo adeegsaday Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay waxaana lagu dhuftay gaari ee leedahay Wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya oo xiligaasi waday Wafdi Ajnabi ah aan la ogeyn halka ee kasoo jeedaan.
Wararka hordhaca ah aan heleyno ayaa sheegaya in Gaariga Weerarka Ismiidaaminta ah lagu weerararay ee leedahay Wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya dadkii saarnaa ee Weerarkaasi ka bad baadeen hasa ahatee qasaaraha xoogiisa uu gaaray dad Shacab ah oo kusugnaa Isgooska KM-4.
In kabadan 10-qof oo u badan Dad Shacab ah ayaa Weerarka Ismiidaaminta ah ku dhintay ku dhaaad 20-kalana dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray kuwaa oo loola cararay Isbitaalada kala duwan ee Magaalada Muqdisho.
Xaalada Goobta uu Weerarka Ismiidaaminta ah ka dhacay ayaa ah wali mid kacsan waxaana halkaasi buuxa Ciidamo badan oo katirsan Dowlada Soomaaliya oo xiray halka uu qaraxu ka dhacay kana bilaabay baaritaano xoogan.
Dowlada Soomaaliya iyo Xarakada Al-Shabaab wali labadaba wax war ah kama aysan soo saarin Weerarkan ismiidaaminta ah ee goordhaw ka dhacay Isgooska KM-4 ee Magalaada Muqdisho kaa oo galaaftay nolosha dad badan oo Masaakiin ah una badnaa dad halkaasi ka dawarsanayay iyo kuwa xamaalato ah.
Weerarkan Ismiidaaminta ah ayaa imaanaya xili Shalay un dib loo furay Wadooyinka Muhiimka ee Magaalada Muqdisho ee ku jirto Isgooska KM-4 ee Maanta uu qaraxu ka dhacay , waxaa sidoo kale kusoo aadeesaa Xili Amiirka Al-Shabaab shalay ugu baaqay Dagaalyahanada Al-Shabaab in ee kordhiyaan Weerarada Ismiidaaminta ah.
Waxii Faah Faahino Dheeraada ah iyo Sawiro kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah
QAWMEDIA.COM
Geplaatst door Farhan
Add comment
Comments