Ciidamada dowlada oo la wareegay mid kamid ah degmooyika ugu muhiimsanaa koofurta Soomaaliya.
Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa la wareegay gacan ku heyta degmada Tiyigloow ee gobalka Bakool kadib dagaal halkaasi ay ku qaadeen
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in deegaankaasi ay meleteriga Soomaaliya gacanta ku dhigeen kadib weerar qorsheysan oo Shabaabka looga saarayay iyada oo habeenkii xalay ahaa Tayiglow gacanta dowalda Soomaaliya ay ku hoyatay afar sano kadib.
Ciidamada dowlada Soomaaliya ay saaka howlgalo balaaran ka kabilaabay degmada Tiyeglow iyo tuulada Moora-gaabay oo ka tirsan gobolka Bakool, waxaana wararku intaa ku darayaan in dadka deegaanka oo aad ugu faraxsan gaaritaanka ciidanka dowlada ay hanbalyeynayaan ciidanka qalabka sida.
Maxamed Maclin Axmed oo ka mid ah mas’uuliyiinta gobolka Bokool ayaa sheegay in dagaalkaas Shabaabka qasaare ka soo gaaray inkasta oo Shabaabkuna ay waraahinta afkooda ku hadasha ku daabaceen in ay dowlada ciidamadeeda qasaara ku gaarsiiyeen.
Degmada Tiyeglow oo 90 KM magaalada Xudur ka xigta dhanka Hiiraan ayaa waxa ay aheyd degmo Muhiim u ah cid kasta oo gacanta ku heysa waxa ayna dhabar jab ku tahay la wareegitaankeeda kooxda Shabaab oo waayihii danbe lumineysay deegaanno fara badan.
QAWMEDIA.COM
Geplaatst door Farhan
Add comment
Comments