Muqdisho( Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ugu yeeray raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon iyo wasiirka arrimaha gudaha Cabdikariin Xuseen Guuleed in wax laga su’aalo arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay dilal ka dhacay Muqdisho.
Wasiirka ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu uga warbixiyo baarlamaanka ammaan darrada ka jirta qeybo ka mid ah dalka. Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa lagu wadaa inuu hor tago baarlamaaanka 14 April
Isagoo shir-guddoominayay fadhiga baarlamaanka ee maanta, ku xigeenka afhayeenka baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in raysul wasaaraha wax laga weydiin doono waxqabadka xukuumadda iyo sameynta maamullada deegaannada laga xorreeyay maleeshiyada al-Shabaab.
Baarlamaanka ayaa sidoo kale raba inuu su’aalo ka weydiiyo wasiirka arrimaha gudaha dilal dhowaan Muqdisho loogu geystay dad maxaabiis ahaa oo xabsiyada lagala baxay.
QAWMEDIA.COM
Geplaatst door Farhan
Add comment
Comments