Aqri heshiis qodoba badan kakooban oo dhex maray dowladda federaalka Soomaliya iyo Puntland
Dowlada Soomaaliya iyo maamulka Puntiland ayaa waxa ay gaaren heshiis dhaxal gal ah oo ka kooban qodoba badan kadib socdaal R/wasaare Saacid iyo wafdi uu hogaaminayo ay ku tageen Garoowe.
1. KOR UQAADISTA KALSOONIDA IYO XIRIIRKA DFS IYO MAAMULKA PUNTLAND:
Labada dhinac waxay ku heshiiyeen:
1.1: In la wanaajiyo xiriirka iyo wadahadalka madaxda sare ee labada dowladood la isna dhaafsado booqashooyin, lana ilaaliyo Protocol ka dowliga ah.
1.2: In la dhiirigaliyo wada shaqeynta hay,adaha kala duwan ee Puntland iyo Dowladadda Federaalka.
1.3: In la dhaqan gelliyo dhammaan heshiisyadii dhexmaray Puntland iyo dowladihii KMG ahaa wixii aan ka hor imaanayn dastuurka.
1.4: Ilaalinta iyo ku dhaqanka Dastuurka Federaalka.
1.5: In la joojiyo lagana hortago wax kasta oo wax u dhimi kara xiriirka iyo wadashaqaynta labada dhinac wixii tabasho ahna lagu xaliyo wadahadal.
2. 0: ISKAASHIGA AMNIGA:
2.1: Isdhaafsiga Xogta, khibradaha iyo isku xirista hayadaha Nabadgalyada.
2.2: Waxaa la isla gartay soo dhawaynta qaadista cunaqabataynta hubka ayadoo la iska kaashanayo xaga hubka iyo saanadda ciidamada.
2.3: Dhisidda ciidan qaran oo isu dheelitiran iskuna dhafan, lagana soo qoro dhammaan gobalada iyo degmooyinka dalka.
2.4: In si wadjir ah looga wada shaqeeyo la dagaalanka argagaxisada iyo burcad badeedka.
2.5: In dowladda federaalka ay dayactirto maamushana xeryaha loo aqoonsado inay yihiin xeryo heer qaran.
2.6: Waxaa lagu heshiiyey in ciidamada Nabadgelyada Puntland laga caawiyo gunooyinka, isgaarsiinta, Gaadiidka, tababarada iyo agabka(logistics).
3. 0: DHAQAALAHA IYO HOUMARINTA:
3.1: Waxaa la isku raacay inay jirto baahi deg deg ah oo ku saabsan sidii loo helli lahaa Shillin Soomaali cusub.
3.2: Waxaa la isku raacay baahida loo qabo jaangoynta iyo midaynta canshuuraha (Tarifs) dalka oo dhan.
3.3: In la iska kaashado hurumarinta iyo kobcinta maamulka maaliyadeed ee dalka.
3.4: In DFS dadajiyo shirciga maalgashiga shisheeye lagana faa,iideysto khibradda Punland.
3.5: In Puntland saamigeeda ay ka hesho dhammaan mashaariicda horumarineed iyo banii,aadanimo ee heer qaran ayadoo DFS soo dhawaynayso una fududaynayso ciddii caawinaysa Puntland.
3.6: In loo hawlgalo wadashaqaynta iyo midaynta hayadaha socdaalka (immigrations) .
3.7: Waxaa la isla gartay in DFS ay saami ku yeelato dakhliga dekedaha iyo garoomada diyaaradaha si waafaqsan dastuurka.
4. 0: SAMAYNTA DOWLADAHA FEDERAALKA KA MIDNOQONAYA:
4.1: Waxaa labada dhinac isla garteen in Dowladda Federaalku ay dardar geliso nidaamka federaaleynta dalka si waafaqsan dastuurka isla markaana ka hortagto wax kasta oo wax u dhimi kara taaba gellinta dhismaha dowlad gobaleedyada.
5.0: HANAANKA GEEDI SOCODKA DIMUQRAADIYADA PUNTLAND
5.1: Waxaa labada dhinac isla qaateen in la bogaandiyo lana dhiiro gelliyo hannaanka geedi socodka Dimuqraadiyeynta Puntland, isla markaasna la dhowro shuruucda iyo xasiloonida Puntland.
5.2: DFS waxay taageeraysaa lana soconaysaa geedisocodka dimuqraadiyadda Puntland.
6.0: ISU CELLINTA HANTIDA LA HAYSTO:
6.1: Waxaa labada dhinac ku heshiiyeen in DFS dadajiso isu cellinta hantida gaar ahaaneed si loo hello dib u heshiisiin dhab ah, ayadoo la magacaabayo Guddi heer qaran oo madax banaaan go,aamadiisuna yeeshaan awood fulineed.
6.2: Waxaa labada dhinac ku heshiiyeen in DFS dadajiso dib u soo cellinta hantidii qaran gudaha iyo debada.
7.0: SAMAYNTA AQALKA SARE EE BAARLAMANKA FEDERAALKA:
7.1: Waxaa la isla qaatay in DFS dedejiso dhismaha aqalka sare ee baarlamaanka si waafaqsan Dastuurka Federaalka.
QAWMEDIA.COM
Geplaatst door Farhan
Add comment
Comments