War Deg Deg Ah Ra’izul Wasaaraha Somalia iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo goordhaw ka dhoofay Muqdisho
Waxaa Goordhaw Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ka dhoofay Wafdi uu Hogaaminayay R/Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Sheydoon (Saacid).
R/Wasaaraha iyo Wafdiga uu Hogaaminayo ee kamid yihiin wasiirrada Gaashaandhigga,Arrimaha Gudaha,Kheyraadka, wasiir ku xigeennada Warfaafinta,Gaashaandhigga saraakiil ka kala tirsan ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa goordhaw u duuleen Magaalada Baladweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Wafdiga uu R/Wasaaraha uu Hogaaminayo ayaa la filayaa marka ee gaaraan Baladweyn in ee kulamo la qaataan qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Maamulka Gobolka Hiiraan ka arimiya.
Waa safarkii labaad oo mudo labo todobaad gudahood uu R/Wasaaraha ku gaaro Meelo ka baxsan Magaalada Muqdisho iyadoona Todobaad kahor uu booqday Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh/Hoose.
QAWMEDIA.COM
Geplaatst door Farhan
Add comment
Comments