Wasiirka arr. dibedda Soomaaliya oo la kulantay xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta (SAWIRRO)

Published on 18 November 2013 at 12:34

R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Fowsiyo Xaaji Aadan ayaa kulan kula qaadatay dalka Kuwait xogyaha guud ee Jaamacadda Carabta Nabiil Al-Carabi oo isagana ka qayb galaya shir madaxeedka wadamada Carabta iyo Afrikaoo ka dhacaya dalka Kuwait.

Kulanka labada mas’uul yeesheen ayaa waxaa goob joog ahaa labada safiir ee Soomaaliya u kala fadhiya wadamada Masar iyo Kuwait iyo masuuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibada ee Soomaaliya.

Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii Soomaaliya loo garab istaagi lahaa maadaama ay kasoo baxday dhibaatadii Mudadii 22 sano ahayd kusoo jirtay.

Waxa ayna sidoo kale isla meel dhigeen sidii Jaamacadda Carabta uga shaqayn lahayd in laga taageero dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya dhinacyada horumarinta iyo dib u dhiska iyo waxii loo qaban karo Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka mid ah wadamada ku bahoobay Jaamacadda Carabta oo fadhigoodu yahay magaalada Qaahira ee dalka Masar.

QAWMEDIA.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.