Muqdisho:Wasiiradda oo ansixiyay Shirkad 20-sano ka shaqaynaysa Dekada Muqdisho

Published on 27 October 2013 at 17:18

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan aan caadi ahayn ku yeesheen xaruntooda Muqdisho

Xafiiska Raysilwasaraha Somalia.

Muqdisho. Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan aan caadi ahayn ku yeesheen xaruntooda Muqdisho waxaa looga dooday kordhinta Miisaaniyadda sanadaka 2014-ka, heshiis dhowaan dhex maray wasaaradda howlaha guud iyo gaadiidka badda iyo Shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Al Bayrak taasoo la wareegi doonta maamulka iyo horumarinta howlaha dakadda weyn ee Muqdisho.

IMG_5022Kulankan oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Sacaaid” ayaa waxaa ugu horeyntii diiradda lagu saaray kordhinta Miisaaniyadda dawladda ee sanadka 2014-ka, waxayna Golaha Wasiiradu falanqeyn dheer kadib isla garteen in la kordhiyo Miisaaniyadda, maadaama la filayo inay kordhaan waxqabadka hay’addaha dawladda, gaar ahaana Wasaaraddaha iyadoo dhowaan shirkii caalamiga ahaa ee Brussels oo loogu yaboohay Soomaaliya dhaqaale aad u badan oo lagu dhisayo dalka .

IMG_5025Sidoo kale, kulankan gaarka ah ayay Golaha Wasiiradu dood dheer kadib ay si buuxda u ansixiyeen heshiis dhex maray bishan October 24-keedii Wasaaradda howlaha guud iyo gaadiidka badda iyo shirkad Turki ah oo lagu magacaabo Al Bayrak, taasoo maamuli doonta muddo 20 sano ah howlaha dakadda, iyadoo shirkaddu ay dayactir, qalabeyn, iyo casriyeyn-ba ku sameyn doonto dakadda Muqdisho.

IMG_5044Afhayeenka Xukuumada Mudane Ridwaan Xaaji Cabdiwali oo shirka golaha kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in adeegyada ay dakaddu qabato, marka laga tago Canshuuraha, ay ka soo xaroodaan lacag dhan $200,000-$300,000 (Labo boqol illaa saddex boqol oo kun), lana rajeynayo in marka ay shirkaddani la wareegto maamulka dakadda ay gaarsiin doonto 6.5 Milyan oo Dollar iyadoo muhimad gaar ah la siinayo in la kordhiyo dakhliga dawladda Soomaaliya.

IMG_5026Dhanka kale, Afhayeenka Xukuumada ayaa sheegay in golaha Wasiiradu ay tacsi u diray allaha u naxariistee wariye Maxamed Maxamuud “Timacadde” oo u geeriyooday dhaawacii dhowaan ay u geysteen kooxo dhagar qabayaal ah, waxayna tacsi u direen qoyskii, Qaraabadii iyo bahda warfaafinta Soomaaliyeed. Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in aanay marna u dulqaadan doonin xadgudubyada noocan oo kale ah ee lagu weerarayo wariyayaasha Soomaaliyeed.

QAWMEDIA.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.

Create Your Own Website With JouwWeb