Taliyaha Ciidanka Booliiska Oo Gaaray Magaalada Baydhabo

Published on 21 October 2013 at 15:17

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo,iyadoo halkaasina si diiran loogu soo dhaweeyay.



 

Waftiga Taliyaha waxa qayb ka ah saraakil sare oo katirsan ciidanka booliska soomaliya waxana safar koodu uu salka kuhayo ukuur galida xaalada Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Markii Taliyaha iyo waftigiisaba ay kadageen garoonka diyaaradaha ee Baydhabo ayaa waxa ay salaan sharaf kaqaaten cutubyo ka tirsan ciidamada booliiska ee halkaasi ku sugan.

Inta ay magaalada Baydhabo ku suganyihiin waftiga uu horkacayo Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa lagu wadaa in uu kulamo laqaaato maamulka iyo waliba qaybaha kala duwan ee bulshada kudhaqan Baydhabo.

Wixii Warar Ah Ee Ku Soo Kordha Socdaalka Taliyaha Wararkayaga Dambe Ayaanu Idiinku Soo Gudbinaynaa Hadii Alle Idmo.

QAWMEDIA.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.