Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin, Wasiiradda Arriimaha Dibadda ee Soomaaliya Fowsiya Xaaji Aadan iyo xildhibaano Baarlmaanka Soomaaliya ka tirsan ayaa xalay gaaray dalka isu tagga Carabta.
Garoonka Diyaaaradaha ayaa waxaa ku soo dhoweeyey, Wasiirka Waxbarashadda Federaalka Dowladda Imaraadka Carabta Xumeyd Al Khadhaami , safiirka Soomalaiya u fadhiya Imaaradaka Carabta Cabdulqaadir Sheekheey Alxaatimi iyo masuuliyiin kale.
Ujeedada safarka Madaxweynaha ayaa ah ka qeyb galka shirka ka hortagga burcadbadeeda iyadoo sanadkaan looga hadlayo mawduuca ah “Ka Hortagga Burcad Badeedka iyo iska kaashiga dhismaha awood ka hortagta “Countering Maritime Piracy: Continued Efforts for Regional Capacity Buiding”.
Ugu dambeyntii Shirkan ayaa waxaa sanad walba soo qabanqaabiya Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dalka isutagga Imaaraadka Carabta, waxaana kasoo qeybgalaya dawladaha daneeya ka hortagga burcadbadeedka, khubaro ku xeel dheer iyo shirkadaha ka ganacsada gacanka iyo badweynta Hindiya
QAWMEDIA.COM
Geplaatst door Farhan
Add comment
Comments