Madaxweynaha Soomaaliya Xasan SHeekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu maanta soo xiro shirweynaha qaran ee geedi socodka siyaasadda iyo hiigsiga sanadka 2016-ka kaas oo mudo afar maalmood ah ka socday magaalada Muqdisho.
Shirkan ayaa intii uu socday waxaa looga dooday qodobo muhiim u ah geedi socodka siyaasada dalka, iyadoo maantana looga doodi doono qodobadii ugu dambeeyay.
Waxaa lagu wadaa in maanta laga soo saaro go’aanno iyo talooyin la xiriira hiigsiga sanadka 2016.
Ergada shirka ka qeybgaleysa ayaa u badan aqoonyahano Soomaaliyeed, waxaana qodobada lagu dheeraaday ka mid ah dib u eegsita dastuurka iyo arrimaha Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isagu horay u furay shirkan.
QAWMEDIA.COM
Geplaatst door Farhan
Add comment
Comments