Dowlada Kenya ayaa sheegtay in maleeshiyaadka shabaab ay qorsheynayaan sidii ay falal argagixiso uga geysan lahaayeen dalkaasi.
Hadal qoraal ah oo ay soo saaratay dowlada Kenya ayaa lagu sheegay in maleeshiyaadka Shabaab ay isu ekysiinayaan ganacsato Soomaali ah iyagoo Loorarka raashinka ah u isticmaaliya iney hub iyo walxaha Qarxa kusoo qariyaan.
Hey’adaha amaanka ee dalka Kenya ayaa la sheegay iney il gaar ah ku hayaan dhaqdhaqaaqa ganacsatada Soomaaliyeed ee ka shaqeysata dalkaasi Kenya,waxeyna baaritaano adag ku sameeyaan gaadiidka iyo agabka saran.
Dhinaca kale howlgaladii ciidamada Kenya ay ka wadeen magaalada Gaarisa ayaa la balaariyay iyadoo ciidamadu ay wali sii wadaan baaritaanada iyo qabqabashada dadka Soomaalida ah ee bilaa sharciga ah.
Dhawaan ayaa magaalada Gaarisa waxaa ka dhacay falal amnidaro ah iyadoo lagu dilay askar ka tirsan booliiska dalka Kenya.
QAWMEDIA.COM
Geplaatst door Farhan
Add comment
Comments