Somalia oo safka hore kaga jirta ajendaha Shirkii Baarlamanka Carabta oo maanta ka furmaya Qaahira
Guddoomiyaha Baarlamaanka dalalka carabta Axmed Al-Jarwaan oo ka hadlay qodabada maanta shirka looga hadlayo ayaa sheegay in shirku uu si gaar uga hadlayo arrimo badan oo ka jira dalalka carabta sida dagaalada dalka Suuriya ka holcaya iyo sidii xal nabadeed loogu heli lahaa
Waxaa maanta oo Isniin ah ka furmaya magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar ahna xarunta Baarlamaanka carabta shir uu yeelanayo Baarlamaanka dalalka Carabta kaas oo looga hadlayo arrimo badan oo ay ka mid tahay xaaladda dalka Soomaaliya iyo tan dalal kale oo carab ah kuwaasoo ay ka jiraan dagaalo iyo xasilooni daro baahsan.
“Dadka Soomaaliyeed waa dad sharaf ku leh shucuubta Carabta, waxaana jira shir 6-Maarso lagu qabanayo xarunta Midowga Yurub kaasoo ay ka soo qeybgalayaan dalalka deeqda bixiya waxaana shirkaasi looga hadlayaa dib u dhiska dalka Soomaaliya isagoo xusay in shirkaasi dhinaca Jaamacadda carabta uu uga qeybgalayo wafdi ka socda Baarlamaanka carabta, kaas oo ku dedaalaya maslaxdda Soomaaliya iyo in dalalka ka qeybgalaya uu hordhigo baahida ka jira Soomaaliya gaar ahaan dib u dhiska dalka Soomaaliya”. ayuu yiri gudoomiyaha oo ka hadlayey xaalada Somalia.
Sidoo kale waxa uu sheegay in laga hadlayo xaaladda dalalka Soomaaliya, Falstiin, Liibiya, Ciraaq, Suudaan iyo dalal kale oo carbeed, wuxuuna Guddoomiyuhu sheegay in la meelmarinayo dhismaha sanduuq loogu talogalay in dhaqaale loogu aruuriyo dalalka ay dhibaatooyinku ka jiraan gaar ahaan dalalka uu dadkooda si weyn u saameeyeen xasiloonidarida iyo dagaalada ka jira.
QAWMEDIA.COM
Geplaatst door Farhan
Add comment
Comments