Jamaacada Al-Ictisaam oo War kasoo saartay Dikii loo geesaty C/qaadir Nuur Faarax Shaacana ka qaaday Magaca Ninkii dilay

Published on 16 February 2013 at 19:57

Jamaacada Al-Ictisaam oo War kasoo saartay Dikii loo geesaty C/qaadir Nuur Faarax Shaacana ka qaaday Magaca Ninkii dilay



Jamaacada Al-Ictisaam Bilkitaab Wassunnah ayaa Bayaan kasoo saaray Dilkii foosha Xumaa ee loo geestay Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo kamid ahaa Culumada ugu waa weyn ee Soomaaliya oo maalintii shalay nin dhagar qabe uu Dilay xili uu Salaada Casir ku dukanay Masjidka Beder.

Aqriso Bayaanka Culumada ee soo saareen

Dilkii Sheekh. C/qaadir Nuur Faarax Intaa ka dib, waxay Jamaacada Al-ictisaam bilkitaab Wassunnah eheladii sheekha, asxaabtiisii, iyo guud ahaan umadda soomaaliyeed iyo umadda muslimka oo dhan uga tacsiyeyneysaa geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Alle ha u naxariistee Sheekh C/qaadir Nuur Naarax, oo shalay oo Jimce ahayd 5-04-1434H / 15-02-2013 isaga oo ku jira salaadddii casar lagu dilay masjidka Beder oo ku yaal magaalada Garoowe.

Sheekh Cabdulqaadir Alle ha u naxariistee waxaa la dilay isaga oo salaaddii casar jamaacada masjidka safka hore ku jira rakcaddii saddexaad, waxaana dilay nin dhallinyara ah oo hubeysan oo kabihiisa lasoo galay masjidka, kadibna jeegada ka toogtey sheekha oo rukuucdii kor uga soo kacay, isla markiibana dib ayuu u cararay. Waxaan sheekha Ilaahay uga baryeynaa inuu geeridiisa shahaado uga dhigo jannadiisana ku abaal-mariyo, eheladii uu ka tagay iyo ummaddana samir iyo iimaan ka siiyo, aamiin.

Sheekhu dilkii Dr. Axmad Xaaji C/raxmaan ee kal hore kooxda Al-Shabaab ku dishay magaalada Boosaaso ka dib iyo ka horba wuxuu si muuqata uga digi jiray qallooca iyo inxiraafka diineed ee ay horseedka ka tahay firqada Alshabaab.

Haddaba, Jamaacadu waxay ummadda soomaaliyeed u cadeyneysaa qodobadan soo socda:

1. Sheekha Ninka dilay oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Xuseen Jaamac Bille Yuusuf oo dadweynaha reer Garoowe qabteen ka dib markii uu dhaawacay Saddex Qof oo kale waxaa caddaatay in uu ka mid yahay ururka Alshabaab, ururkaas oo horay u gaystay qaraxii Shaamow, Hargaha iyo Saammaha iyo Ardaydii Turkiga u socotay, una dilay Alle ha u naxariistee Dr. Axmad Xaaji C/raxmaan, Dr. Maxamauud Cabdi Ibraahir (Gadhweyne), Dr. Axmad C/laahi (Waayeel) Prof. Ibraahim Caddow, Sh. Abuukar Xuseen, Sh. Maxamad Tahliil iyo culimo iyo waxgarad kale oo aad u badan oo ummadda Soomaaliyeed ka mid ah, qiimowayna ugu fadhiyey ummadda Soomaaliyeed.

2. Dilkan masjidka dhexdiisa ka dhacay iyada oo salaad lagu jiro iyo qofka la dilay oo ah sheekh C/qaadir oo ah caalim diinta faafinteeda ku cirroobay oo ahaa maanta qofkii la ciseyn lahaa, wuxuu caddayn u yahay in dadka danbigaas foosha xun fuliyay ee maleegay ay yihiin dad ka fog dhaqankii islaamka, ee xurmada u yeelay masaajidda, salaadda iyo culimada geeridooda ummaddu u indho-beeleyso.

3. Sh. C/qaadir iyo culimadii kale ee ka horreysey ee firqadani laysay waxaa lagu dilay iyaga oo har iyo habeen u taagan caddaynta xaqqa kuna sabraya, taasoo ah waddadii lagu dilay nebiyo Alle soo diray, saxaabo, saalixiin iyo ducaad badan oo iyaga uga horreeyey waddadan. Sidaa awgeed waxaan ummadda xusuusinaynaa in firqiyoon Alshabaab oo kale ah ay gacantooda ku dileen khulafadii Nebi Maxamed laba ka mid ah – Cusmaan iyo Cali Alle raali haka noqdee. Ducaadda iyo culimada kalana waxaan xusuusinaynaa inay wadaddaa ku sabraan ku dhiiradaan kuna adkaystaan caddaynta xaqa oo aysan uga gabban cidna.

4. Sheekh C/qaadir Alle ha u naxariistee wuxuu ahaa caalim ummadda Soomaaliyeed oo dhan dibad iyo gudaba ay wada taqaanno laguna bartay faafinta manhajka ahlu sunnah waljamaaca ee ay mareen ummadda qaybteedii hore ee wanaagsanayd (salafkii saalixa ahaa), Sh. C/qaadir wuxuu kaalin lama illaawaan ah ku lahaa ka hortagga manaahijta qalloocan sida takfiirka ama khawaarijta, waxaana lagu yaqaanney inuu ku dhiirranaan jiray caddaynta xaqa ciddii rabtaba ha qoonsatee.

5. Waxaan ugu baaqeynaa ummadda Soomaaliyeed ee muslimiinta ah in ay meel uga soo wada jeestaan firqaddan habawsan ee Alshabaab ee hiddaha iyo dhaqanka ka dhigtay burburinta diinta, dadka iyo dalkaba, iyagoo falalkooda kharriban ugu adeegaya danaha


6. Fal danbiyeedkan lagu dilay sheekh C/qaadir Alle ha u naxariistee wuxuu sidoo kale iftiiminayaa mashruuc halis ah oo ku jeeda guud ahaan ummadda soomaaliyeed, gaar ahaanna culimada, waxgaradka, aqoonyahanka, isimada, madaxda, ganacsatada, da’yarta iyo maatada ummadda, mashruucaas oo ay hogaaminayaan dad cadow u ah islaamka, sidaa daraadeed waxaan u cadaynaynaa ummada Soomaaliyeed ee Muslimka ah inay Firqada Al-Shabaab ka leexatay caqiiqadada toosan ee diinta Islaamka, xalaashatayna Dhiigga dadka Muslimka ah ee Soomaaliyeed, waxaana fatwo kusoo saaraynaa in meel looga soo wada jeesto,Al-Shabaab, ehel malahan, qabiil malahan, caqiido malahan, waxaan u cadaynaynaa ummada Soomaaliyeed inay waajib ku tahay inay ladagaalamaan, soo qabtaan, soo sheegaan cidkasta oo fikirkaas qalloocan aamminsan oo ay garanayaan si looga badbaadiyo, aysanna u baabi’in hambadda ka hartay ummadda iyo diinta.

Ugu danbayntii, waxaan ugu baaqaynaa ummadda qaybaheeda kala duwan oo ay ugu horreeyaan, maamulada, culimada, waxgaradka, iyo beelaha in ay iska kaashadaan una midoobaan ka hortagga iyo la dagaalanka firqadda Al-Shabaab ee isku bahaysatay xasuuqa bulshada, iyaga oo aan cidna dhaafayn, cidna ka xishoonayn, cidna xeerinayn, culimo iyo caammo, yar iyo weyn, rag iyo dumar, aqoonyahan iyo ganacsade. Kooxdan oo u dhar-dhigatay baabi’inta ummada iyaga oo u dilaya qof-qof iyo wadarba.

QAWMEDIA.COM

Geplaatst door Farhan

Add comment

Comments

There are no comments yet.