Wasiirka shaqada shaqaalaha, dhalinyarada iyo Isboortiga ee maamul goboleedka Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle ayaa shaaca ka qaaday inaanay aqoonsaneyn guddiga cusub ee Olompikada Soomaaliyeed ee dhawaan lagu doortay magaalada Muqdisho. |
Cabdiweli Xirsi Cabdulle ayaa sheegay in guddiga cusub ee Olompikada Soomaaliyeed laga doortay hal gobol oo ka mid ah 18 gobol ee Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay inaysan matalin karin dalka Soomaaliya.Cabdiweli waxa uu tilmaamay in wasaaradiisu ay dhageysatay cabsho uga timid gudiga Olompikada Puntland, taasoo aan lagu soo war gelin islamarkaana wax talo ah laga siin doorashadi lagu doortay guddigan cusub horaanti bishan, sidaas darteedna ay go'aan ka qaateen.Wasiirka ayaa dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda Isboortiga ugu baaqay inay fara gelin deg deg ah ku sameyso guddiga cusub ee Olompikada, islamarkaana baaritaano ku sameyso doorashadi dhacday.Si kastaba guddga Olompikada Soomaaliyeed ayaa saddexdi bishan janaayo gudoomiye u doortay Cabdullaahi Axmed Tarabbi, halka gudoomiye ku xigeenka koowaad loo magacaabay Axmed Cabdi Xasan (Wataac).QAWMEDIA.COM |
Geplaatst door Farhan
Add comment
Comments